Xog-warran: 7 waxyaabood oo sababay guuldaradii Xasan Sheekh

In badan oo ka mid ah dadka wax faaqida ma aamini karaan sida ay isu rogtay Doorashadii Madaxtinimada Somalia maanta, waxaa tartan adag laga filaayay hogaamiyaha laga adkaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Ilaa hada dadka ku haminaayay inuu Xasan soo laabto sharaxaad fiican kama bixin karaan sababtii uu Xasan ku guul dareystay ,laakiin waxaan qoraalkaan kusoo koobaya dhowr waxyaabood oo loo sababeyn karo guuldaradiisa.

1 – Xasan Sheekh waxa uu dabada gashtay Ethiopia. Waxa uu aaminay in hadudu helo taageerada Ethiopia ay wax kasta u hagaagayaan, wuxuuna Soomaalida iyo udeegideeda ka doorbiday inuu la xirto Ethiopia. Waxa uu iska hilmaamay sida Soomaalida ay u neceb yihiin Ethiopia, iyo in saameynta Ethiopia ee Soomaaliya ay luntay, oo aysan xildhibaanada ku qasbi karin cidda ay u codeynayaan.

2 – Kulankii saakay ee 20-ka musharax ku yeesheen Hotel Jaziira ee la isku dhaarsaday in midka ugu codadka badan la taageero si Xasan Shiikh loo badalo.

3 – Khudbadii Sheekh Bashiir Axmed Salaad ee Doorashada Ka hor waxaa ay aheyd mid fariin bixineysa, dadka wax fahmi kara waxaa ay ujeedeen ineysan aheyn hadalo Xasan u daneeynaya, tusaale markii uu Sheekh ku wacdiyo adigoo masaajid ku jira 100% waxa uu sheegaayo waad aamintaa, Sidoo kale hadalkii Zakariye ee doorashada ka hor wuxuu ahaa midkale oo wax badalay.

4 – Ololaha Xasan Sheekh ayaa u batay balan qaad aan lacag wadan, sida aan saakay sheegay ololaha Xasan Sheekh waxaa ay kusoo aruureen yabooh xilal ah waxaana xusid mudan in xildhibaanada cusub badankood deymo lagu lee yahay, waxaana ay u baahnaayeen lacago kaash ah.

5 – Xisbiga Daljir ayuu Xasan ka diiday dalab ra’iisul wasaare kadibna waxa ay u guureen dhanka Farmaajo oo ay xalay la fariisteen kadibna xildhibaanadooda oo dhan oo tiro ahaan 30 ka badnaa ayaa ku biiray markii uu u balan qaaday inuu Ra’iisul Wasaare ka dhigi doono qof iyaga ka tirsan.

6 – Colaada loo qabay hogaanka raagay ayaa aheyd mid muuqatay waxaana ereyga is badal oo dadka qaarkii aaney si fiican u fasiri aqoonin uu ahaa wax kale oo fal gadiyay siyaasada Xasan.

7 – Mushaharaxiintii maanta kuwii ugu miisaanka culusaa ayaa u badnaa kuwii tartamayay 2012-kii markaas oo ay codadkoodii ku taageereen Xasan Shiikh, lakiin kadib Albaabada ayaa laga xirtay waxaana ka buuxday caradii arintaas mana kasuurtoobin iney maanta aqbalaan balan kale 4 sano kadib.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com