Xog-warran: Maxaa keenay dib-dhaca magacaabista golaha wasiirrada DF?

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre wuxuu codka kalsoonida ah ka helay Baarlamaanka Federaalka ah taariikhdu markay ahayd 01/03/2017, wuxuuna ballanqaaday inuu muddo todobaad gudihiis ah kusoo magacaabayo Golaha Wasiirrada laga sugayo, waxaa hadda u dhamaad ah usbuucii 3aad welina dadka Soomaaliyeed waxay sugayaan magacaabista Wasiirrada Federaalka.

Markaad raacraacdo qoraalla lagu soo daabaco Baraha Internet ka, ama aad dhagaysto Idaacadaha kala duwan ee maqalka iyo muuqaalkaba leh, waxaa lays waydiinayaa sababaha dib u dhigay magacaabista Wasiirrada, waxaad marar farabadan dheehanaysaa qoraallo tilmaamaya in laysku mari la’yahay awood-qaybsiga Golaha Wasiirrada, ama qabaa’ilka ha noqoto ama Dawlad goboleedyada ha noqotee, waxaa jira saluug dhinacyo badan ka imaanaya oo tilmaamaya in dad badan oo raalli ka ahayn qaabka wax u socdaan ay jiraan, warka dulucdiisu waxaa weeye: dhibaatada jirtaa waa qaabkii loo qaybsan lahaa Wasiirrada, reer hebel wasiirkee bay xaq u leeyihiin, hebelka kalena muxuu leeyahay?

Laga soo billaabo bilowgii qarannimada Soomaaliyeed 60 kii iyo wixii ka dambeeyeyna, awood-qaybsigu wuxuu ahaa culays marwalba soo foodsaarayay Dawladda Soomaaliya, wuxuuna meelihii ugu xumaa gaaray markii lagu heshiiyay 4.5 shirkii Carta ee lagu soo doortay Dawladdii uu Madaxweynaha ka noqday Dr. C/qaasim Salaad Xasan, taasoo lagu sharciyeeyey Dastuurina laga dhigay inay Soomaali qabiil wax ku qaybsato.

In awoodda la qaybsadaa oo si caddaalad ah loo qaybsadaa waa wax fiican, waxayna horseedi kartaa in cid walbaa ay xaqeeda hesho, metalaad ay ku kalsoontahayna ay yeelato, laakiin waxaa dhibaato noqday in lagu mashquulo sidii kuraasta loo kala qaadan lahaa, iyadoo aan lays waydiinayn waxa kuraasta lagu qabanayo amaba barnaanijka Dawladda, awood qaybsigu wuxuu noqday waxa keliya ee Dawladda lagu nacayo ama lagu soo dhawaynayo, la oran mayo: maxaa Dawladda uga qorsha ah: nolosha dadka, waxbarashadooda, caafimaadkooda, amnigooda, kobcinta dhaqaalahooda, sugidda xuduudahooda, siyaasadda dibadda oo ay ugu horrayso xiriirka Dawladda iyo Dawladaha deriska iyo sida loo qaabaynayo iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, laga fekeri mayo arrimahaas oo dhan, mana aha sida muuqata wax laga sugayo Farmaajo iyo Khayre, balse waxa laga sugayaa oo keliya waa: anaga Wasiir noocee ah buu nasiinayaa, haddii uusan Wasiir A na siinayn, muxuu kaloo noo ballan qaadayaa amaba nagu qancinayaa.

Waxaa ila habboon, in madaxda Dawladda aan kula xisaabtanno barnaamijka Dawladda iyo waxqabadkeeda ee aynaan marwalba indhaha ku hayn awood-qaybsi keliya, awoodda waxaan qabaa in ciddii u qalanta oo aqoon, khibrad iyo karti leh aan niraahno hanaloogu dhiibo cidduu doono ha ahaado, sababtoo ah qofkaas ayaa waxqaban kara, bulshadana qancin kara.

Ugu dambayntii, waxaa ii muuqda in waxaan lagu magacaabay “awood-qaybsigu” u yahay wax lagula dagaallamayo ummadda Soomaaliyeed, looguna talagalay inaysan ka fekerin waxqabad ee ay ka fekerto qofka booska imaanaya iyo qabiilkiisa, ciddii jago heshaana Madaxda waa ammaanaysaa waana soo dhawaynaysaa, laakiin ciddii wax waysaa caro iyo mucaaradnimo ayay bilaabaysaa, waa aragti dabageddisan, waa wax lala yaabao, waa arrinta dib inoo dhigtay oo meesha aan hadda joogno na dhigtay, waxaana muuqda inaan meesheennii taagannahay.

Gabagabadii, Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Alle ha u fududeeyo mas’uuliyaddooda ballaaran, laakiin haku talogalaan inaysan Soomaali oo dhan ku raalli gelin Karin awood-qaybsi, waxaan qabaa inay danta Dalka, Dadka iyo Diinta ay qadariyaan, sida maslaxaddu ku jirtana aysan cidna uga waaban si kasta oo ay u kharaartahay, faragelinta dhinacyada kala duwan ka imaanaysana ay dhagaha ka furaystaan, talada dalka ayagaa loo igmaday, marka ay talada rogrogaan inta mudan in lala tashadana la tashadaan go’aan geesinnimo leh haka qaataan magacaabista Wasiirrada iyo talada dalka oo dhan.
Sida khayrku ku jiro Alle haydin waafajiyo.

W/Q: Dr. Maxamed Cali Faarax.
Garowe, Puntland-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com