Britain oo laaday qorshe uu Museveni la damacsanaa dowlada cusub ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa laaday go’aan uu Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ku doonaayay in Somalia uu uga saaro Ciidamada ka jooga ee qeybta ka ah AMISOM.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Boris Johnson ayaa is hortaagay Go’aankaasi waxa uuna sheegay in Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM kusii nagaan doonaan gudaha Somalia ilaa iyo amar danbe.

Boris Johnson, ayaa sheegay inaan munaasib aheyn in xiligaani kala guurka ah Somalia laga saaro Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM, waxa uuna Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ka dalbaday in la hakiyo go’aanka uu kula soo baxaayo Ciidamadiisa jooga Somalia.

Boris Johnson, waxa uu sheegay in Dowladiisa Britain ay garwaaqsan tahay in Go’aanka lagu saaraayo Ciidamada Ugandha ee AMISOM uusan aheyn mid ku xeeran dhaqaale xumi balse ay tahay mid lagu dibindaabinaayo Dowlada Cusub ee Somalia.

”Ugandha wey hakineysaa qorshaha lagu saaraayo Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM, Britain ma u dulqaadan doonto in xiligaani kala guurka ah Somalia laga saaro Ciidamada Ugandha oo ah kuwa ugu badan ee Somalia ku dhaqan”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni, ayaa jaanrogay Siyaasadiisa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku goodiyay in Somalia uu ka sifeyn doono dhammaan Ciidamada AMISOM isla markaana dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

Yoweri Kabuta Museveni ayaa aad uga didsan Siyaasada ay dheeleyso Dowlada Cusub ee Somalia, kadib markii uu waayay la tashiyadii ay la sameyn jirtay Dowladii uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Go’aanka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ee uu fashiliyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Boris Johnson, ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu qalqal galin lahaa Amniga magaalada Muqdisho, si indhaha caalamka loo tuso in DFS ee uu hogaaminaayo Farmaajo aysan hanakarin Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com