25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog-warran: Maxay tahay ujeedada xafladda raali-gelinta ee uu Farmaajo qabanayo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in xaflad raali-gelin ah uu ku qabto xarunta madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xafladdan ayaa waxaa loo sameyn doonaa taliyayaashii ciidamada iyo mas’uuliyiintii kale ee shalay xilalka laga qaaday, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay ka carroodeen hanaanka loo maray isbeddelada uu madaxweynaha Soomaaliya sameeyey.

Xubnihii xilalka laga qaaday qaarkood ayaa la sheegay inaan lagu war-gelin in xilka laga qaadayo, islamarkaana ay ka aqristeen oo kaliya warbaahinta, halka qaar kalena qaab taleefon loogu sheegay, waxaana hadda la garowsaday in habkaas uu qaldanaa.

Xubno ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada xafladdan ay sidoo kale tahay in xubnahan looga mahad caliyo waxqabadkoodii dalka, raali gelin buuxdana la siiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay beddelay dhammaan taliyayaashii ciidamada dowladda, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani oo lagu beddelay Taabit Cabdi.

Boorsaani ayaa dhowr saac un ka hor xil ka qaadistiisa warbahainta u sheegay qorshihiisa lixda bil ee soo socota, hase yeeshee kadib ka war-helay in xilka laga qaaday kadib markii uu warbaahinta ka aqristay.

Si kastaba, xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa inuusan ka mid ahayn xubnaha xafladdan ka qeyb galaya, haddii aysan wax gadaal iska beddelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News