Xog: Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo caawa la isugu geeyey hotel ku yaalla Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Sheekh ay caawa ku wada suga yihiin halkaas.

Labada mas’uul ayaa waxaa Nairobi ku casuumay urur goboleedka IGAD oo wada-hadallo dib u heshiisiin u qabanaya, sida ilo-wareedyo ka tirsan Galmudug ay u sheegeen Caasimada Online.

“Ma ahan kaliya in Nairobi ay ku wada sugan yihiin ee waxaa kuu xaqiiji karaa in caawa labadoodaba ay hal hotel wada degan yihiin” ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online, oo arritan xog ogaal u ah.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay halkaas ku wada yeeshaan wada-hadallo heshiis looga gaarayo arrinta Galmudug, oo labada dhinacba ay qeybo ka mid ah gobollada maamulkaas kala muumulaan, inkasta oo aysan caddeyn xilliga ay furmayaan wada-hadallada.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan oo ay isku dayda ku guul-darreystay inay labada dhinac heshiis dhex dhigto, waxaase hadda muuqata in xalka uu dhow yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com