Akhriso: 6 astaamood oo lagu garan karo afgembiyada dhaca + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga dalka Zimbabwe ayaa xabsi guri geliyay madaxweyne Robert Mugabe, waxayna la wareegeen telefishinka qaranka iyo awoodda dalka.

Ciidamada iyo gawaaridooda ayaa ku sugan jidadka Harare halkaas oo rasaas iyo qaraxyo laga maqlay Arbacadii.

Ma inqilaab baa? Militariga waxay ku adkeysanayaan in uusan afgembi ahayn, balse waxaa jiro calaamado badan oo muujinaya. Calaamadaha lagu garto in afgembi uu socdo markaste waa isku mid dunida oo dhan.

Halkan waxaa idiinkugu soo gudbineynaa sida lagu ogaado inqilaabka iyo awood la wareegidda.

1-Qofna ma dhahayo waa afgembi

Ugu horeyn, ogow in kuwa afgembiga sameeya marna aysan ku dhawaaqeyn in ay sameynayaan inqilaab.

Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika u fadhiya, Isaac Moyo, wuxuu so cad u sheegay in afgembi uusan dhicin, iyo in dowladda ay weli “shaqeyneyso”, militarigana uusan la wareegin awoodda dalka.

“Keliya waxaan eeganeynaa burcadda ku hareereysan madaxweynaha, kuwaas oo sabab u ah dhibaatada dhaqaalaha iyo mid bulsho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Janaraal Moyo oo TV-ga toos uga hadlay shalay.

“Isla marka aan dhameyno howlgalkeena, waxaan fileynaa in xaaladda ay caadi ku soo noqoto”.

Balse “xaaladda” dhankooda waxay u muuqataa mid xun oo digniin leh, gaar ahaan kuwa ku jira dhanka militariga qaaday ficilka ay awoodda kula wareegeen.

Hadallada noocan ah ee maldahan waa kuwa lagu garanayo iskudeyada afgembi.

Dalka Venezuela, oo dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ay ka jireen muddo, militarigeeda waxay isku deyeen afgembi fashilmay oo ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro, bishii August.

“Kani ma ahan inqilaab, balse waa tallaabo ay u dhan yihiin shacabka iyo militariga, si loo soo celiyo kala dambeynta dastuureed”, ayuu yiri ninkii hoggaaminaya kooxda, Juan Caguaripano.

Xisbiga hanti-wadaagga ee Venezuela ayaa hadalkaasi beeniyay. Kuxigeenka madaxa xisbiga, Diosdado Cabello wuxuu ku tilmaamay “dullaan argagixiso”.

2-Halkee buu ku sugan yahay madaxweynaha dalka?

Marka la hubinayo afgembi, eeg meesha uu ku sugan yahay hoggaamiyaha dalka. Madaxweyne Mugabe waxaa lagu ha Waxaa la sheegay in uu qadka telefoonka kula hadlay, uuna nabad qabo madaxweynaha.

Lama garanayo meesha ay ku dambeyso xaaskiisa awoodda leh, Grace Mugabe oo 52-sano jir ah, Taas oo loo saadaalinayay in ay bedeli doonto seygeeda oo 37 sano dalka xukumayay.

Sikastaba, xildhibaan ka tirsan xibiga mucaaradka ee MDC, Eddie Cross, ayaa BBC-da u sheegay in ay habeenkii Talaadada u qaxday dalka Namibia. In la xiro qofka lala damacsan yahay kacdoonka waa arrin muhiim u ah afgembiyada.

Sida uu sheegay weriyaha arrimaha diblumaasiyadda ee BBC-da Jonathan Marcus, in afgembigii Turkiga uu guuldaraysto waxaa sababay in ciidamada ka dambeeyay ay garan waayeen meesha uu ku suganaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Safaaradaha ajaaniibta waxay gabaad u noqdaan madaxda xilka laga xoogay iyo kuwa lagu raad joogo ee xulafada la ah. Markii madaxweyne George Bush kii hore uu ku duulay Panama, 1989-kii, sarkaalka awoodda lahaa Janaraal Manuel Noriega wuxuu ku dhuuntay safaaradda Vatican-ka ee magaalada Panama City.

Mararka qaar, madaxda waxay ka soo muuqdaan dalal kale. Sanadkii 2009-kii, militariga dalka Honduras waxay xilka ka tuureen madaxweyne Manuel Zelaya, wuxuuna ku baxsaday diyaarad. Markii uu gaaray Costa Rica, wuxuu sheegay in la afduubtay isagoo xiran dharka habeenkii lagu seexdo.

3-Dadka oo jidadka u soo baxa iyo rasaas iska dheceysa

Dibadbaxyo iyo kacdoon waa arrin muhiim u ah afgembi. Dadka isu soo baxa waxay badanaa ku dhawaaqaan dalab dimuquraadiyad iyo in uu dhaco maamul markaa jira, Waana midda keliya ee sababta in militariga soo dhaqaaqo, awooddana la wareego.

Dalka Masar, madaxweyne Xusni Mubaarak waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal intii uu socday kacdoonkii carabta ee 2010-11-kii. Kacdoonkaasi wuxuu saameeyay dalalka Libya, Tunisiya, Yaman iyo Suuriya.

Arrinta muhiim ka ah waxay ahayd, markii militariga Masar uu sheegay in aysan awood u adeegsanayn dadka isu soo baxay ee careysan. Madaxweyne Mubaarak ayaa iscasilay, maamul militari ayaana dalka la wareegay.

Afgembigii fashilmay ee Turkiga ee 2016-kii, Shacabka ayaa jidadka isugu soo baxay waxayna difaaceen madaxweynaha ayagoo ka hortagay militariga. Sidoo kale ciidamada taageersan Erdogan ayaa caawiyay dadweynaha.

Dalka Zimbabwe wuxuu kaga duwan yahay, shacabka maysan dhigin dibadbaxyo, maadaama ficilka militariga uu ka dhashay Mugabe oo shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, isagoo doonayay in xaaskiisa Grace uu ku bedelo.

Jidadka Zimbabwe kama jiraan wax dhibaato ah, laakiin gawaarida gaashaaman ee ciidamada ayaa gaaf wareegaya gudaha caasimadda.

4-Dowladaha awoodda leh ee caalamka oo u diga muwaadiniintooda

Xitaa haddii aysan gabaadsiin hoggaamiye aan halis ku ahayn, safaaradaha waxay xaq u leeyihiin in ay ka fikiraan nabadgelyada shacabkooda, waxayna billaabaan in ay tilmaamo siiyaan.

Dalka Zimbabwe, Safaaradda Britain waxay la talisay muwaadiniinta hadda ka joogo dalkaasi. “Haddii aad joogto Harare, si aysan dhibaato kuu gaarin, gurigaaga ku sugnow ama hoteelka aad deggan tahay illaa xaaladda la ogaanayo”.

Safaaradda Mareykanka ee Zimbabwe waxay Tweet-gareysay in aysan shaqeyneyn shalay oo Arbaca ahayd “ka dib xasillooni darada siyaasadeed”.

5-Warbaahinta Qaranka oo la qabsado

Farriinta in la baahiyo waa muhiim, hadaba, mucaaradka aalaaba waxay ku ordaan in ay qabsadaan warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkoodana u adeegsadaan.

Dalka Zimbabwe, militariga wuxuu ku guuleystay in uu qabsado xarunta telefishinka qaranka ee ZBC.

Balse, isticmaalka mowjadaha hawada waa mid aan markaste guuleysan.

Dalka Turkiga, 2016-kii ciidamada waxay galeen warbaahinta qaranka waxayna sheegteen in ay awoodda la wareegeen si ay dimuquraadiyadda u difaacaan. Balse xaqiiqdii cadaadis ayaa looga awood badiyay.

Dalka Zambia, sanadkii 1997-dii waxaa ka dhacay afgembi ku fashilmay seddax saacadood gudahood. Nin isku magacaabay kabtan Solo ayaa idaacadda dowladda kaga dhawaaqay in uu dalka la wareegay, saraakiisha ciidamadana shaqada ka tiray. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweyne Frederick Chiluba uu isku soo dhiibo illaa 9-ka subaxnimo, ama la dili doono.

Balse 10-kii barqanimo, madaxweynaha ayaa idaacadda ka hadlay wuxuuna sheegay in lix qof la xiray, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada “shaqada wanaagsan qabtay”.

6-Xudduudaha, buundooyiinka iyo garoomada diyaaradaha oo la xiro

In la xakameeyo maamulka dal ama caasimad, waxaa qeyb ka ah xiridda xudduudaha, hakinta dhaqdhaqaaqyada buundooyiinka iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee dadka u fududeynaya isu socodka.

Bishii Sebtembar 2015-kii, ilaalada madaxtooyada ee hoggaaminayay afgembigii Burkina Faso waxay amreen in la xiro isu socodka cir iyo dhul, waxayna soo rogeen afgembi habeenkii ah.

Sida la ogyahay, casharka ugu wanaagsan ee xakameynta garoon diyaaradeed waxaa laga bartay Pakistan sanadkii 1999-kii, xilligaas oo ra’iisul wasaare Nawaz Sharif uu isku deyay in uu shaqada ka tiro taliye ciidan oo awood lahaa, Janaraal Pervez Musharraf, waxaana bilowday dagaalka kala sareynta.

Janaraal Musharraf wuxuu ku sugnaa dalka Sri Lanka markii uu helay farriinta ah in Mr Sharif uu qorsheynayo tallaabo isaga ka dhan ah. Wuxuu si qarsoodi ah kaga duulay garoonka Colombo, wuxuu doonayay in uu ka dego Karachi.

Ciidamada cirka waxay u diideen in diyaaradda oo siday 200 oo qof ay degto, waxaana duuliyaha lagu amray in uu Cuman aado, ka dibna Hindiya.

Janaraalka ayaa duuliyaha ka dalbaday in uu hawada ku dul wareego, inkastoo shidaalka uu ka dhammaanayay diyaaradda. Ugu dambeyn, diyaaradda waxay degtay ka dib markii ciidamo taageersan Musharraf ay la wareegeen garoonka. Si nabad ah ayuu ku degay, saacado ka dibna wuxuu sheegay in uu Pakistan la wareegay.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com