Xog xasaasi ah: Al-Shabaab oo dhameystiray saraakiil sare oo laga dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online kooxda Al-Shabaab ayaa dhameystirtay dagaalyahano ay saraakiil ku jiraan, kadib markii ay uga dhaawacmeen duqeyn ka dhacday duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xalay ayaa la dilay ragaas, kadib markii ay Shabaab ogaadeen in aysan daaweyn karin dhaawacada ay qabaan oo halis ahaa, waxayna ahaayeen shan askari iyo sarkaal weyn oo aad u dhibay dadka ku nool deegaanada dhaca soohdinta ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Sarkaalka ay Al-Shabaab dhaawaciisa dhameystireen waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Sheekh Cali Sheekh Muuse, wuxuuna ahaa nin aad u dhibaateeya dadkiisa, gaar ahaan wuxuu u qaabilsanaa kooxda inuu xoolaha baada ah ka soo xoogo dadka reer miyiga ah.

Ibraahim Sheekh Cali oo markii hore kooxda ku galay Nabadoon u qaabilsan beesha uu ka dhashay ayaa markii dambe loo bedelay qeybta maaliyadda, gaar ahaan uruurinta xoolaha baada ah, wuxuuna si arxan darro ah ula dhaqmi jiray dadka uu ka dhashay oo loo adeegsa jiray.

Xubnaha la dhameystiray dhaawacyadooda waxaa duqeyn la beegsaday ciidamada xoogga dalka, xili ay ku sugnaayeen howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna ka hareen maleeshiyaad badan oo duqeyntaas lagu laayey.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in sarkaalka la dhameystiray uu qabay dhaawac halis ah, wuxuuna ka burburay qaarka dambe, kadib markii ay haleeshay duqeyn diyaaradeed.

Ibraahim ayaa noqday bareelis, waxayna Shabaab u arkeen inuusan ka soo kabsa karin dhaawaca gaaray, taas oo sababtay inay qaataan go’aan ay ku dhameystirayaan, isaga iyo raggii kale ee qabay dhaawacyada daran.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo si dhow ula socday xogta ragga Shabaab-ka ah ee dhaawacyadooda la dhameystiray ayaa Caasimada Online u sheegay inay xaqiijiyeen in 6-daas qof lagu toogtay soohdinta Sh/Dhexe iyo Galgaduud.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhaawacmaya duqeymaha iyo dagaalka tooska ah waxaa loo waayey daawo lagu dabiibo, waxaana inta badan dhacda in la dhameystiro, maadaama kooxdaan aysan laheyn wax arxan ah, sidoo kale inta badan waxay qariyaan xogta xubnaha ay dhaawac-tiraan.