Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku guda jira xulashada Xubnaha ka mid noqon doona Golihiisa Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo, hase yeeshee waxaa la soo warinayaa in caqabado badan ay ka heysato xulista xubnahaasi, kadib markii la xaqiijiyay in xulista ay faragalin ku hayaan qaar kamid ah madaxdii hore.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxdii hore ay saameyn ku leeyihiin magacaabidda golaha Wasiirada ee cusub, waxaana kamid ah ragga faragalinta ku haya Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo weliba Ra’isul wasaarihii hore ee iminka xilka wareejiyay Cumar Cabdirashiid.
Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa la sheegayaa inay u ololeynayaan xubno aad ugu dhawaa si ay xukumadda cusub uga dhex muqdaan, sida aan xogtu ku helnay.
Xukuumada uu dhisi doono Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in ay ka koobnaan doonaan 20 wasiir iyo 5 Wasiiru dowle iyo 20 wasiir ku xigeen, waxaana go’aankaani doonaaya inay ka faa’iideystaan labada Mas’uul ee aan kor kusoo xusnay.
Kheyre ayaa doonaaya in Xukuumada cusub ay kasoo dhexmuuqdan dhammaan Beelaha Soomaaliyeed, walow baaq dhawaan la gaarsiiyay looga digay in Xukuumada cusub ay kamid noqdaan Xildhibaanada labada Aqal, si Xildhibaanada ay ugu ekaadaan la xisaabtanka xukuumadda ee aysan qaban shaqo ka baxsan taas.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sidoo kale, faragalin kala kulmayaa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu doonaaya in Xukuumada cusub ay ku dhex-yeeshaan xubno, waxaana ragga faragalinta wada kamid ah C/wali Gaas.
Sidoo kale, waxaa jira faragalin Ra’isul wasaaraha Xukuumada uga imaaneysa dhanka Beesha Caalamka oo iyagu ku cadaadinaaya in dib loo soo celsho qaar kamid ah Golihii hore, iyadoo go’aankaasi la sheegay inuu ka biya diidan yahay Kheyre.
Madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka dalbadey Rayslawasaaraha in soo xulitaanka golaha wasiirada lagu soo koobo muddo aan ka badneyn 15 maalmood, waxaana muuqaneysa in Kheyre aysan ku filnaan doonin mudada loo qabtay sababo la xiriira faragalinta.
Lama oga sida Ra’isul wasaare Kheyre uu uga badbaadi doono faragalinta muuqata ee uga imaaneysa dhinacyada Dowladii hor, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]