Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa bil kasta 400 oo kun oo doolar ku bixiya barnaamij loogu magac daray dib u dooro madaxweyne Xasan, taasi oo aan loo gudbin qasnadda dhexe ee dowladda.
Madaxweyne Xasan ayaa u balan qaadey wasiirka maaliyadda inuu ka dhigi doono guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka, isagana looga baahan yahay inuu bil kasta ololaha dib u doorashada madaxweynaha uu usoo xareeyo 400 oo kun oo doolar bishii.
Fargeeto ayaa si qarsoodi ah u bixinayay lixdii bilood ee la soo dhaafay lacagtaasi, waxaana Caasimadda Online ila wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in taleefanka gaarka ag ee madaxweynaha uu ugu xiray qasnadda bangiga qaranka oo markasta oo lacag ay kusoo dhacdo uu madaxweynuhu helaayo fariin sheegaysa inta lacag ah ee kusoo dhacdey, islamarkaana wasiirkiisa uu fududeeyo qaabka lacagtaasi loogu shubo qasnadda qorshaha dib u doorashada ee madaxweyne Xasan Shiikh.
Arrintan ayaa Fargeeti wuxuu u sameynayaa si lacagta loogu daro qarashka dowladda, taasi oo sahleysa in la qaldo xubnaha beesha caalamka ee isha ku haya dowladda.
Xisbiyada mucaaradka iyo musharaxiinta xilka ku haysta madaxweynaha ayaa talaabadaas ku tilmaamay ku tagri fal awoodeed, iyada oo hantidii qaranka loo isticmaalo doorashada gaarka ah ee Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]