Xog: Xasan oo ka fakaraya in Ahlu-Sunna qeyb ka noqoto qorshe uu damacsan yahay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doona, sidii dowladdiisu ay kaga takhalusi laheyd cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta dadka Soomaaliyeed leeyihiin, waa Shabaab’e.

Madaxweynaha ayaa abaabulaya guluf saf ballaaran oo lagu qaado kooxaha mintidiinta, iyadoona uu yoolku yahay in kooxahaasi laga saaro deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin, si taasi loo gaarana, waxa uu iskaashi kala samayn doonnaa dhammaanba dhinacyada ku habboon.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe waa mid ka mida dhinacyada ay Villa Somalia u aragto in ay dowladdda ka caawin karaan wiiqitaanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fekerayo, haddii Ahlu Sunna uu dagaalka ku soo biirin lahaa iyo haddii kalaba, isagoona arrintaasi wadatashi ka gelinaya Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ka hor inta aanu go’aansan, suurtagalnimada xiriir toos ah oo uu la sameeyo Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, inkastoo la fahamsan yahay halka ay kala jooggaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2-dii bishii June gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa reer Galmudug ka dalbaday inay hormuud ka noqdaan dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha jid iyo jihadiidka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi uu soo jeediyay in Ahlu Sunna oo muddooyinkii ugu dambeysay saldhig ka sameysatay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb laga soo qaybgeliyo dagaalka, bacdamaa Xertii Ahlu Sunna ee kala ambaday, haatana ku sugan Wisil iyo Baxdo ay door firfircoon ku lahaayeen jabkii Shabaab ka gaaray weeraradii ay sanadkii hore iyo sanadkanba ka gaysteen deegaanadaasi.

Dhawaan daraasad uu daaha ka rogay Machadka SPA (Somali Public Agenda) ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaaday in Ahlu Sunna ay weli tahay cudud ciidan oo xoog leh.

“Ahlu Sunna Waljameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qabanin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan hadda qaybo ka mida Galmudug,” ayuu yiri Agaasimaha Machadka SPA, Farxaan Isaaq Yuusuf oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna soo bandhigay daraasaddaasi.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa wareysi uu mar sii horreysay siiyay BBC waxa uu ku yiri “Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahdaan. Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in laga la dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya.”

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inaanay Ahlu Sunna doonayn dagaal ay la gasho Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, balse taasi bedelkeeda ay door bidayaan in ay ka wada hadlaan shirqoolo ay aaminsan yihiin in Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kaga saartay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, horaantii sanadkii 2020.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada kooxaha argagixisada, tani oo lagu macneeyay, iyada oo si wanaagsan u garaneysa xeeladda dagaalka ee mintidiinta, waana Ahlu Sunnada lagu tilmaamo in ay shacabka Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muuqaal uu habeenkii Talaadada kula hadlayay shacabka waxa uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo mar kasta u taagan fashilinta weerarada argagixisada, ayna tahay in is bedel laga sameeyo qaabka loola dhaqmayo kooxahaasi.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay noqdaan daljireyaal daahsoon, oo u taagan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada. Argagixisadu annaga ayay nagu dhex nooshahay, waana inaan iska qabanaa. Is bedel waa inaan ka keennaa sidaan argagixisada ula dhaqmaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkii soddonka saacadood qaatay, ee ay dableyda Shabaabku ku gashay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhigay dulqaadkii ay Madaxda Qaranku u lahaayeen, waxa uu Ra’iisal Wasaare Barre ugu yeeray ‘ciyaalkii naarta’.

Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com