Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay xalay, ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo hoggaamiyaha jabhadda Raaskambooni.
Sida ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Xasan ayaa Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe kala hadlay shir shalay ay Kismaayo ku yeesheen xubno labadda Maamul ka tirsan, waxaana uu ka digay Xasan Sheekh in ummadda Soomaalida ee kala irdhowday halkii la isku soo dhoweyn lahaa in qabiil la isugu habar wacdo, taasi oo ah waxa ay iminka ku mashquulsan yihiin.
Xubno ku dhow Villa Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweynaha uu uga digay labadaas hoggaamiye in ficilladood ay horseedi karaan dhiilo cusub iyo xaaladd shaki sii kala gelineysa ummadda Soomaaliyeed oo hadda ka soo kabaneysaa suntii qabyaaladda.
Madaxweynaha ayaa u sheegay inaysan dhib ahayn in la is xulufeysto oo dan gaar ah laga wada shaqeeyo, hase yeeshee in qabyaalad iyo colaadinta beelo kale loo shiro ay tahay nasiib darro cusub.
Sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Gaas oo isna dhankiisa hadlay, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hadafkiisu aanu aheyn inuu qabiil wax ku raadiyo, haddii se ay la gasho qabiil inuu u wajahayo in wax lagu wanaajiyo ee uusan ka shaqeyneyn maanta in Soomaali ay qabiil wax isugu geysato, ama arrin uu talo ku leeyahay in cid kale oo Soomaali ah lagu dhibaateeyo.
Axmed Madoobe, ayaa isna isku difaacay in Puntland ay u wacdeen kaliya inay khibrad maamul ka helaan, ayna iska indha tiri Karin xaqiiqda ah in Puntland ay garab istaagtay, balse aysan jirin wax qabyaalad isku raadsanaya.
Si kastaba, Cabdi Weli Gaas iyo madaxweynaha Xasan Sheekh, ayaa la sheegay inay is-fahmeen, uuna madaxweynaha u arko Gaas inuu yahay nin ka qabyaalad yar Faroole.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]