Xog: Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ka yeeshay arrimo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin muranka dastuurka iyo kan doorashada Puntland.

Xogta kulankaas ma aheysan baahin Villa Somalia iyo Cumar Cabdirashiid midkoodna, balse Caasimada Online ayaa ka heshay ilo xog ogaal ah oo ka agdhow dhinacyada.

Cumar Cabdirashiid ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha, habeen hore ayuu dhacay kulankooda, waxaana la sheegay in Cumar uu talooyin badan siiyey Xasan Sheeekh.

Arrimaha sida weyn loo gorfeeyey waxaa ka mid ahaa wax ka bedelka iyo qabyotirka dastuurka oo muran badan uu ka dhashay sida uu wax u rabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa gadaal ka riixaya qorshe meesha looga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, si madaxweynuhu u yeesho awood badan, iyadoo lagu bedelayo madaxweyne ku xigeen uusan awood badan sii doonin dastuurku.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Cumar Cabdirashiid waxay ka wada hadleen khilaafka doorashada Puntland, sida ay wax u socdaan iyo doorka kaga aadan dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu qaatay inta badan talooyinkii uu u soo jeediyey ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid oo muddo ay soo ahaayeen saaxiibo dhow oo siyaasadeed, kulankaas kadibna waxaa la sheegay in Cumar uu u safray dalka dibadiisa.

Siyaasiyiin badan ayaa dood ka qaba hanaanka loo wajahayo wax ka bedelka dastuurka, waxaana socda qorshe lagu sii balaarinayo wadahadallada madaxtooyada iyo mucaaradka, inta aan baarlamaanka la horgeyn barnaamijka wax ka bedelka dastuurka.