Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay in Hogaamiyayaasha Gobolada dalka uu ka dhaadhiciyo in magaalada Muqdisho lagu qabto shir gaar ah oo looga arrinsan doono Doorashada fooda nagu soo heyso.
Wararku waxa ay sheegayan in Madaxweyne Xassan uu xiriir la sameeyay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka si uu uga dhaadhiciyo inay aqbalaan Shirkaasi waxaana la tilmaamay in qorshahaasi ay ka hor imaaden Hogaamiyayaasha kala ah Shariif Xassan, Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas.
Seddexdaasi Hogaamiye oo u jilicsan Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay aad uga dideen shirka, iyagoo cabsi ka qaba in shirkaasi uu Xassan Sheekh ku kala furfuro Heshiiskii Imaaraadka.
Seddexdaasi Hogaamiye ayaa si cad u diiday inay ka qeybgalaan shirka, waxaana la rumeysan yahay in diidmadaasi ay tahay mid uu ka danbeeyay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia.
Hogaamiyayaasha Gobolada ayaa qaatay hal mowqif kaasi oo ah in shirarkii Madasha ee arrimaha Doorashada uu dhamaaday, isla markaana aysan jirin baahi keeni karta in mar kale la qabto shir degdeg ah.
Madaxweyne Xassan ayaa ku fashilmay qorshihii uu ka lahaa Shirka, waxaana sabab looga dhigay fashilkaasi Dowlada Imaaraadka Carabta oo faragalin ku heysa arrimaha Doorashooyinka.
Ma cadda in Madaxweyne Xassan iyo Hogaamiyayaashasi ay dib isugu fahmi doonaan Shirka iyo in lagu kala maqnaan doono shirka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

