Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha socda uu u baxo safar dibadeed oo deg-deg ah, isagoo kusii jeeda dalka dariska ah ee Itoobiya.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in madaxweynuhu la kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kulankaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed, maadaama ay joogaan ciidanmada Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah Abiy u gala hadli doono qorshihiisa ku aadan Koonfur Galbeed oo uu doonayo inuu ka hirgeliyo isbeddal siyaasadeed oo deg deg ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in safarka Xasan Sheekh Maxamuud ee Addis Ababa uu kooban yahay, isla markaana wada-hadalladaas kadib uu deg-deg ugu soo laaban doono gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xiisadda u dhexeysa DFS iyo Koonfur Galbeed ayaa haatan sii xoogeysaneysa, waxaana xusid mudan in Lafta-gareen uu taageero wayn ka helayo ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu hadda ka qaban qaabinayo doorashada maamulka.
Sidoo kale, waxaa jirtay i nmadaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan kasoo laabtay dalka Sacuudiga ay Itoobiya u fududeysay inuu dib ugu laabto Baydhaba, kadib markii diyaarad milatari lagu geeyay magaaladaasi.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah Gobolka Baay.
Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

