Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu wadahadal la furay ilaa 4 musharax oo ka tirsan musharaxiinta ugu miisaanka culus.
Musharaxiinta Xasan Sheekh uu wadahadalka kula jiro ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ka mid yihiin, Cali Xaaji, Cosoble iyo Tarsan oo kamid ah Musharaxiinta miisaanka ku dhex leh Siyaasada Somalia.
Musharaxiinta uu Xasan Sheekh wadahadalka kula jiro ayaa waxaa la xaqiijiyay inay intaa ka badan yihiin, waxaana sababta lagu sheegay in Hogaamiyayaasha Madasha ay isla garteen in la nusqaamiyo Musharaxiinta farahaban.
Tiradda Musharixiinta ayaa u muuqda in lagu soo koobay ilaa 9-Musharax oo keliya, marka la is-barbar dhigo tirada Musharaxiinta iyo 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusul duub ugu jira sida Musharaxiinta lagu gaarsiin lahaa ilaa 3-4 Musharax oo kaliya si Xildhibaanada looga helo codad kala badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

