Muqdisho (Caasimada Online) – Sida wararkeena hore aan ku sheegnay Madasha Wadatashiga Qaran ayaa isla meeldhigay in Musharaxiinta u taaqan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia lagu diiwaan galiyo lacag dhan 30,000 oo Dollar. Waxaa sidoo kale lagu qasbay taageerada 20 xildhibaan.
Hogaamiyayaasha Madasha ayaa la sheegay in markii hore ay ka biya diiden dhaqaalaha culus ee lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta waxaana la xaqiijiyay in dood dheer kadib leysku raacay in Musharaxiinta laga qaado lacagta aan kor kusoo xusnay.
Mid kamid ah Mas’uuliyiin qeybta ka ah Shirka Madasha ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu lahaa Fekerka lagu sara qaadayo dhaqaalaha Musharaxiinta waxaana lasoo warinayaa in sabab uu uga dhigay kordhinta lacagta nusqaaminta Musharaxiinta dhowrka ah ee shaaciyay musharaxnimadooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hogaamiyayaasha Madasha ka hor cadeeyay in Musharaxiinta ka qeybqaadaneysa Doorashada ay aad u farabadan yihiin isla markaana ay jiraan Musharaxiin kale oo aan wali shaacin musharaxnimadooda kuwaasi oo dhawaan ku dhawaaqi doona inay yihiin musharaxiin.
Madaxweyne Xasan ayaa aad uga soo horjeeda Musharaxiinta Miisaanka kale ee loolanka adag kula jira, waxaana la tilmaamayaa in miisaaniyada culus uu isaga qafiifinaayo Musharaxiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

