Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa balanqaadka codadka seddex xildhibaan u sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, taliyaha ciidamada booliska ayaa u sheegay Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku tashadaa codadka seddex sarkaal oo ciidamada booliska ka tirsanaa kuwaasi oo baarlamaanka kamid ah.
Xildhibaanadaasi waxaa kamid ah Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid taliyihii hore ee ciidamada booliska iyo saraakiil kale kuwaasi oo labada aqal ka tirsan.
“Baarlamaanka labadiisa Aqal Saddex Sarkaal oo Boolis ah ayaa ku jira Mudane Madaxweyne Aqalka Sare waxaa ka mid ah Sareeye Gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waa ku tashanaysaa codkiisa waa Codka Booliska”
“Aqalka Hoose waxaa ka mid ah Shariif Sheekhunaa Maya codkiisa waa ku tashanaysaa, waxaa kaloo iyadana Sharaf ku ah raggii Darajada aad u xirtay ee 19-ka ahaa ee Jaamiciyiinta ahaa nin ka mid ah inuu ku soo baxay Aqalka Hoose Labo Xidigle Maxamed Ibraahin Cabdi Diyeeshe codkiisana waad ku tashanaysaa.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 73 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

