27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan Sheekh oo laba arrin uga digay musharaxiinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si carro leh uga hadlay ujeedooyinka Musharaxiinta loolanka kula jira ee damacoodu yahay inay hogaamiyaan dalka.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Musharax waliba uu yahay mid xor ah, isla markaana uu u fasaxan yahay inuu la imaado waddo waliba oo u suura galin karto noqoshadiisa Madaxweyninimo.

Xasan Sheekh waxa uu ka digay in Musharax waliba uu ku fakero in xilka uu u qabto labo arrin oo kala ah:

1 – Damac Dhaqaale uruursi oo ku dheehan musuq Hanti Qaran.

2 – In Somalia uu dib ugu celsho halkii dhowr sanno ka hor ay taagneyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in ahmiyada Musharaxa loo baahan yahay inay ku jaan-go’antahay xalinta baahida Bulshada, waxa uuna dhaliil ka keenay in Musharax waliba uu ku taamo in dalka uu ka uruursado dhaqaale, iyadoo aan laga fekereynin masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Xasan waxa uu intaa ku daray in Labadaasi arrin uu ka muujinaayo rajo beel, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay u baahan tahay Hogaamiye u daacad ah.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Musharaxiinta ay kamid yihiin shaqsiyaad horay dalka uga soo galay danbi Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News