28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Axmed Madoobe oo sheegay sababta uu u qaadacay shirka Madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay ololaha Doorashada Madaxweynaha ee ka socda Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdishoiyo shirka ay xubnaha madasha halkaas ku leeyihiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu ku jahwareeray qaabka ay u socoto Doorashada Madaxweyninimo ee Somalia.

“Haddii aan dhabta ka hadalno anigu kuma qanacsani sida ay wax ku socdaan waayo Dastuurka iyo sharciyada dalka ayaa waxaa laga dhigay cayaar” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha kaliya ee ka mid ah xubnaha Madasha Qaran ee qaadacay shirka ka socda magaalada Muqdisho.

“Ahmiyad gaara nooma laha inaan magaalada Muqdisho uga qeybgalno shir aan dhammaan waxan ka doorbideynaa inaan ku nagaano deegaanada aan ka arimino”

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland aysan qeyb ka noqon doonin Jahwareerka lagu hayo Doorashada waxa uuna qaadacay in Shir aan Natiijadiisa la dhaqan galineynin ay uga qeybgalaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News