Goorma ayaa la dooranayaa wakiilada aqalka sare ee deegaanada Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka dadban ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland dhaceyso Sabtida soo socoto.

24-ka Bishan ayaa la shaaciyay in la dooran doono wakiilada aqalka sare ee Somaliland, waxaana ay ku beegan tahay labo maalin kadib.

Doorashooyinkaasi ayaa qeyb ka ah doorashooyinka dadban ee sanadkaan, oo inka badan afar jeer dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa meesha gabi ahaanba ka baxeysa in markale la fuliyaa waqtigii doorashada lagu balamay iney dhacdo, maadaama horey loo qorsheeyay in doorashada dhacdaa 22 bishan lana doortaa gudoonka baarlamaanka.

Waxa ay sheegeen hada meel wanaagsan in ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka Gobolada Waqooyi ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com