30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Madasha oo wali ku kala aragti duwan dhowr qodob iyo Puntland oo ku dhagan qodobka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Madasha Hogaanka Sare, kuwaas oo ka hadlaayey qodobo dhawr ah ka hor doorashada.

Hogaanka Sare ee iminka ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa horyaal qodobo dhowr ah oo wali uu ka taagan yahay Khilaaf.

Qodobada ugu sahlan ee Hogaanka Sare wali ay ka doodayaan ayaa waxaa kamid ah Xalinta muranka ka taagan doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi iyo Amniga Xiliga Doorashada waxaana leysku mari la’ yahay cida looga danbeynaayo Amniga Doorashada.

Qodobka ugu adag ee Madasho isku fahmi la’ dahay ayaa ah doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, waxa ayna Madaxtooyadu ku doodeysaa in Doorashooyinka Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi loo daayo Guddiga Doorashooyinka G/Waqooyi.

Qodobada ay Madashu ilaa iyo hadda isku fahmeen ayaa waxaa kamid ah:

1-Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.

2-Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 30-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.

Muranka ugu badan ee shirka ka taagan ayaa waxa uu ka imaanayaa dhanka Maamulka Puntland, waxa ayna Puntland ku doodeysaa in sharci darro ay tahay in Kuraasta Gobolada Waqooyi ee muranka ka taagan yahay aan wax laga bedelin.

Madaxtooyada Somalia iyo Hogaamiyayaasha Madasha ee ka socda Gobolada dalka ayaa juhdi ku bixinaaya in Madaxweynaha Puntland ay ku qanciyaan Qodobka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Madasha ka soo baxo Warmurtiyeedka ugu danbeeyey ee sanadkan 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News