Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko oo u taagan qabashada xilika madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya ayaa soo saaray baaq ku aadan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Ameeriko ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya inaysan dalka kusoo celin hoggaanka iminka jira.
Musharrax Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dhinaca kale ka digay in Madaxda dalka ay ka mid noqdaan shaqsiyaadka ku soo baxay Laaluushka iyo wax isdaba marinta.
Waxa uu hoosta ka xariiqay Musharraxu in taasi ay keeni doonto Dib u dhac iyo Xasilooni la’aan baahsan.
Sidoo kale Ambassador Ameeriko ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqsiyaad Kuraastooda lalaalay ay helaan Shahaadooyinka Xildhibaanimada.
Isagoo Dardaaran ku bixiyay in dadkii ka qeyb qaatay dib u dhicii Afartii sano ee la soo dhaafay in aan loo ogolaan in ay ku dhex milmaan Siyaasadda Dalka Soomaaliya.
Musharrax Maxamed Cali Ameeriko oo horay wax badan ka soo qabtay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa Sanadkaan u taagan Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Hadalka Musharax Cali Ameeriko ayaa waxuu imaanayaa ay soo baxayaan warar ku aadan in laga cabsi qabo in markale ay dib u dhacdo doorashooyinka Dalka.

