Xildhibaanno iyo saraakiil u heshiiyay Somaliland (Maxaa ka socda XAMAR?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kasoo jeeda Sool iyo Sanaag.

Ujeedka kulanka Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa waxaa lagu sheegay inuu salka ku haayay Weerarkii ay Ciidamada Maamulka Somaliland ku qaadeen Deegaanka Saax-dheer xili ay ka soctay Munaasabad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr.

Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa sheegay in Ficilka ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka geysteen Saax-dheer uu dhiiri galinaayo Bulshada kasoo jeeda Khatumo, waxa ayna Tilmaameen in aan leysaga hari doonin oo lagu xisaabtami doono.

Xildhibaan C/waaxid C/llaahi Jaamac oo kamid ahaa Xildhibaanada kulmay ayaa waxa uu sheegay in Falka ka dhacay Saax-dheer uu yahay mid ay Taariikhdu xuseyso, waxa uuna intaa ku daray in dhacdadaasi Maamulka Khatumo ka bixin doonto Jawaab lamid ah kan Saax-dheer.

‘’Waa ayaan daro inay weerar la kawsadaan dad shacab ah oo aan ku jirin Siyaasadda. Waxa ay u bareeren inay xasuuqan masaakiinta, balse lagama aamusi doono oo waxa ay qaadanayaan Jawaab’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Dadka ay qabteen Ciidamada Somaliland waa dad xoolo-dhaqato ah, haddii ay run sheegayaan hasoo bandhigaan muuqaalkooda yeysan ka been sheegin Mas’uuliyiinta Maamulka oo ay dhahayaan wan qabanay’’

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa waxa ay Maamulka Somaliland ugu baaqen in Ciidamadooda ay ka dulqaadan shacabka.

Dhanka kale, Kullanka Mas’uuliyiintaani kasoo Jeeda Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli DF,QM, Yurub iyo Mareykanka ay si wada jir ah u Cambaareeyen weerarka lagu qaaday Deegaanka Saax-dheer.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com