XASAN SHEEKH: Muxuu kala socdaa muranka xadeynta BADDA SOMALIA ee loo gudbiyay maxkamada sare ee QM?

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014), Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.

Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed isku mid ah”.

Warkaan culus ee saameynta ku yeelan doona aayaha dambe ee dhul-badeedka Soomaaliya, ayaa wuxuu durbaba sababay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxayna aqoonyahannadu aad uga digeen halista ka imaan karta arrinkaan haddii aan shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaankoodu go’aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.

Bil ka hor ayay aheyd markii aan faafinay qoraal aan cinwaan uga dhignay, CADDEYN: Qoraalkii XASAN SH ee QM waxaa diyaariyey NORWAY iyo KENYA: Badda Somalia oo gacanta ka baxday, waxaana ka dignay halista uu qoraalkaasi xambaarsanaa .

Madaxweynaha DFKM marar badan wuxuu ku celceliyay inuusan u war haynin wax muran dhul-badeed ah oo Soomaaliya kala dhaxeeya waddamo kale. Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu munaasabado badan ka sheegay in aysan Soomaaliya cidna dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay dacwooto!

Waxaa haddaba isweydiin leh, madaxweynuhu wax ma kala socdaa dacwaddan loo gudbiyay maxakamadda caalamiga ah ee Hague?

Sida ku cad wareysiyo ay bixisay wasiiraddii hore ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo X. Aadan, kuna cad warqaddii wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga Dr. C/Raxmaan Bayle uu u gudbiyay QM, waxaa cad inuu madaxweynuhu wax kala socdo hamuunta horornimada ee ay Kenya ku hunguriyeynayso dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Waxayna dad badani is weydiinayaan waxa ay ku dambeyn doonaan haddalada marin habaabinta ah ee maalmahaan dambe uu caadeystay madaxweyne Xasan Shiikh. Horay madaxweynuhu wuxuu u sheegay in qoraalkii ku saabsanaa xadeynta badda Soomaaliya ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo ajnabi leh, laguna diyaariyay hanti Soomaaliyeed iyo canshuurtii dalka. Halka dowladda Norway ay qoraalkaas dhexdiisa ku caddeysay in 100% kharashaadka ku baxay howshaas ay bixisay dowladda Norway, ayna qoraalka diyaariyeen khubaro ka socotay, wasaaradaheeda: Arrimaha Dibadda, tan Batroolka iyo hay’adda u qaabilsan naqshadeynta.

Kenya waxay muddo ku taamaysey – oo dadaal xusul duub ah u gashay – in ay marka hore muran geliso dhul-badeedka Soomaaliya, markaasna hesho madax Soomaaliyeed oo la ogol in dhul-badeed-ka Soomaaliya muran ku jiro, kaddibna ay markaas maxkamad isla tagaan.

Sida laga war hayo dawladda Kenya waxay arrintan u tabaabul shanaysey muddo dheer ayadoo hanti iyo aqoon farbadan gelisey sidii ay qiil ugu heli lahayd kuna xalaalaysan lahayd dhul-badeedkaas ay muranka gelisey oo batroolku ceegaago. Halka dalwadda Soomaaliya aysan wax tabaabaulsho arrintan u gelin, arrinkooduna u muuqdo cidna uma maqna ceelna uma qodna.

SomaliTalk waxay aad uga degiseysaa, shacabka Soomaaliyeedna ku baraarujinaysa, in ay ka hor yimaadaan tallaabadan ay qaadan DF ee Soomaaliya oo soohdimaha dhulka Soomaaliya ku yeelan doonta raad aan laga soo kabsan. Waayo go’aanka ka soo baxa Maxkamadda Hague haddii Kenya loo xakumo dhul-badeedka ay muranka gelisey wuxuu go’aankaasi noqonayaa kama dambays.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ummadda Soomaaliyeed iyo hoggaankooda (culimaa’udiin, oday dhaqameed, waxgaradka, siyaasiyiinta iwm) ay si aad ah uga hor yimaadaan hagar daamada lala damacsan yahay.

apbadda

Qoraalka AP: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA? SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18

Faafin: Somalitalk.com