Xog: Yaa lahaa amarkii lagu eryay shaqaalahii safaarada Imaaraadka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay kala dirtay qaar kamid ah Shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Safaarada Somalia.

Amarka lagu kala diray Shaqaalaha ayaa la sheegay inuu lahaa Safiir Mohamed Al-Othmani oo dhawaan dib ugu laabtay magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka.

Mohamed Al-Othmani, ayaa la sheegay in maalin un ka hor tagitaankiisa uu qoraal ku kala diray Shaqaalaha, kadib markii uu mugdi galay xiriirka labada dal.

Qoraalka Mohamed Al-Othmani, ayaa sidoo kale la sheegay in lagu cadeeyay sababta loo kala diray Shaqaalaha Soomaalida ee Safaaradaasi taa oo uu ku micneeyay in Safaarada ay gali doonto muddo shaqo joojin ah.

Shaqaalaha la eryay ayaan Mushaar lasiin Seddex bil ka hor inta aan lagu eryin amarka Mohamed Al-Othmani oo soo baxay March 2, 2017.

Shaqaalaha la eryay ayaa sidoo kale la sheegay inay kamid ahaayen cadadka u diiwaan gishan oo ahaa 500 oo shaqaale oo hayay shaqooyin kala duwan oo qaarkood lid ku ahaa Dowlada Somalia.

Maamulka sida KMG usii haya Safaarada ayaa la sheegay in qaab dhaqan xun kula dhaqmeen Shaqaalaha, waxaana xusid mudan in loo adeegsaday Ciidamada Qaranka ee ka howlgala Safaarada.

Dhinaca kale, Mohamed Al-Othmani ayaa mudada uu ka howlgalaayay Safaarada is ticmaalaayay awoodo lid ku ah Shaqaalaha Soomaalida, isagoo u adeegsan jiray sida shaqaale aan laheyn cid ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com