Xog: Yaa u kala dabqaaday Xasan Sheekh iyo ABIY?

Addisi-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay tan iyo dib u doorashadiisii ku tegay magaalada Addis Ababa booqasho hawleed labada maalmood ah Arabacadii September 28, 2022. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka labada dal uu soo galay madmadoow.

Ajendaha ugu sarreeyay ee wadahadallada ayey warbaahinta Turkiga ku tilmaamtay inuu diirrada ku hayay ganacsiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Labada dal ayaa wadagaaray heshiisyo kor loogu qaadayo xiriirkooda dhaqaale ka sokow, iskaashigooda arrimaha gobolka, waxaana lagu wadaa inay magacaabi doonaan guddi heer wasiir ah oo dhaqangeliya axdigaas.

Horaantii toddobaadkan ayaa labada dowlad isku waafaqeen kor u qaadista iskaashiga sirdoonka si si wax ku ool ah ay uga hawlgalaan argaggaxisada ah cadawga mideeyay. Socdaalku waxuu ka turjumayaa mudnaanta siyaasadeed uu Xasan Sheekh siinayo deris wanaagga.

Labada mas’uul oo ka wadahadley caqabadaha is-dhexgalka iyo fursadaha guud ee ka dhalan kara iskaashi ayaa isku waafaqay, iyadoo la dhowrayo midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida dal walba, in la kobciyo lana xoojiyo xiriirkii dalalka.

Walow, fagaare aan la isku dhaafsanin eedeymaha dal waliba ka tirsanayo midka kale, haddana si xushmad leh ayay madaxdu isku weydaarsadeen wixii ay kala tabanayeen.

Ragaadiddii booqashadii Xasan Sheekh ee Qaahira ayaa dowladda Itoobbiya ku beertay welwel iyo cabsi ah in uu dalka Masar ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeriba. 

Taas waxaa dheer, in Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ololeynayay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka uu geesmaray Itoobiya. Arrinkaas waxuu xoojiyay mala-awaalkii lahaa xiriirka labada dal waxuu gelini doonaa khalkhal isbeddelka hoggaanka dalka kaddib.

Falcelintii ugu horraysa ee Itoobiya ayaa noqotay dib u dhigiddii safarkii July 2022, uu ku tegi lahaa Xasan Sheekh, iyadoo ku marmarsiinyootay in jadwalka ra’iisul wasaaruhu uu aad u buuxo. Taas waxaa xigay ku xadgudubkii arrimaha gudaha Soomaaliya kaddib markii Addis Ababa ay gacansaar toos ah la yeelatay maamul-goboleedyo federal ah, iyadoo aan lagala tashan Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, xogta ayaa sheegeysa in dalka Turkiga uu suurtag geliyay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed si fool-ka-fool ah arrimahooda uga wadaxaajoodaan si aan fursad loo siin shisheeyaha wax u dhimi kara nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa tagaeero xooggan Abiy Ahmed ka siiya dagaalka Tigray-ga oo uu u adeegsado diyaaradaha drone ee Bayraktar, waana ku qasban yahay inuu maqlo Ankara. 

Diblomaasiyiinta gobolka qaarkood ayaa rumeysan aragti kale oo leh, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka odoyeeyay khilaafka kaddib markii labada madax oo ku wada baryay Nairobi is-bariidin waayeen.

Labada aragti waxaa barbar yaal mid ka wada duwan oo qabta in kacdoonka shucuurta qawmiyadda Amxaaradu uu walbahaar hor leh ku riday taliska Addis Ababa. Halka, Villa Somalia ay ka hoyo la’dahay in maamul-goboleedyadii federaalka ay ka wada siiban rabaan faraheeda.

Waxaa xaqiiqa ah in Itoobbiya ay kala daadan doonto haddii reer Galbeedka iyo Masaaridaba u adeegsadaan Xasan Sheekh hangool ay iskaga qabtaan Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki. Halka Xasan Sheekh uusan dalka u heli doonin xisillooni siyaasadeed iyo mid amniba ilaa uu iska soo oodo faragelinta deriska – Itoobiya iyo Kenya.