Cali Guudlaawe oo tallaabo culus qaaday maanta kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta qaaday tallaabo culus, kadib qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii ka dhacay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Cali Guudlaawe ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah, si ay u qiimeeyo baaxadda khasaaraha ka dhashay saddexdii qarax ee todobaadkan ka dhacay halkaasi.

Madaxweynaha ayaa faray guddigan oo ka kooban illaa 9 xubbood, inay si deg deg ah u guda galaan howlaha shaqo ee loo  igmaday, si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne,

Xubanaha guddiga ayaa kala ah:-

1: Cabdiraxmaan Daahir Guure Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiyaha Guddiga.

2: Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga.

3: Maxamuud Wabar Xasan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Guddiga.

4: Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xoghayaha Guud ee Guddiga

5: Cali Cabdulle Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle Xubin.

6: Muuse Salaad Wehliye Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xubin

7: Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin.

8: Maxamed Faarax Cali Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Shir-Shabeelle Xubin

9: Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Xubin.

Sadexda qarax ee ka dhacday Beledweyne waxaa dhammaan loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha, waxaana fuliyey shaqsiyaad isa soo miidaamiyey, ayada oo dadka ku dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Weeraradaan ayaa daba socday howlgallada ka socdo Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo xoogaga Al-Shabaab, kadib markii uu kacdoon shacab ka billowday gobolkaas, kaas oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare xoogleh.