Hay’adda DADSOM oo dhan ayaa in la kala diro u baahan

Aniga oo qayb ahaan bogaadinaya tallaabada uu Wasiir Ahmed Moallim Fiqi shaqada uga joojiyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM), haddane waxaa xusid mudan in uu wasiirka ilduufay arrin aad iyo aad muhiim u ah oo ah in masuulka uu shaqada ka joojiyay iyo hay’adda uu madaxda ka ahaaba AYSAN LAHAYN JIRITAAN SHARCI AH.

Haddaba, si aan u fahamno sharciyad la’aanta hay’adda, bal aan dib u jalleecno SIDA AY HAY’ADDU KU SAMAYSANTAY?

6-di Luulyo, 2020 ayaa bogagga baraha bulshada ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha lagu shaaciyay qoraal sheegaya in masuulka shaqada laga joojiyay loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority). Arrinta muhiimka ah ee magacaabistan ku jirta ee in lagu baraarugo u baahan waxay tahay, in Mukhtaar Qooraansey loo magacaabay in uu maareeye ka noqdo mashruuc, loona xil saaray in uu soo dhiso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, ee aan loo magacaabin in uu isla hay’adda maareeyo ka noqdo. 

Waxaa xigay in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu kalfadhigiisa 8-aad, kulankiisa 3-aad oo qabsoomay 2-da Nofeembar 2020, ayna soo xaadireen 143 xildhibaan lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM).

Waxaa sii xigay in 29-ki Diseembar 2020 uu Guddoomiye Ku Xigeenki 2-aad ee Golaha Shacabka oo markaas ahaa Ku Simaha Guddoomiyaha, Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu madaxweyne Farmaajo hindise sharciyeedka qabyada ahaa u gudbiyay si uu u saxiixo, madaxweyne Farmaajana kama daahine si boobsiis iyo kala tuur ah ayuu 1 maalin kadib u saxiixay.

Waxaa in la iftiimiyo mudan, in tallaabooyinka ay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mahad Cawad qaadeen ay ahaayeen tallaabooyin sharci darro ah oo baalmarsan qodobbada 79 – 86 ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya Habraaca Sharci Dejinta Baarlamaanka oo dhigaya in hindise sharciyeed walba oo uu ansxiyo Golaha Shacabka ay waajib tahay in loo gudbiyo Golaha Aqalka Sare si uu isagana u ansixiyo. 

XITAA HADDII LAGA SOO QAADO IN HABRAACA SHARCIGA UU ANSAX YAHAY, waxaa xusid mudan in qodobka 10-aad ee sharciga, faqraddiisa 2-aad ay dhigayso in habraaca magacaabista Maareeyaha Guud ee Hay’adda ay ku soo billaabanaayo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo ay xigto horgaynta iyo meelmarinta Golaha Wasiirrada, kuna soo dhamaanaysa magacaabis ku soo baxda xeer madaxweyne, magacaabista Mudane Qooraanseey oo iyada sharciga ka horraysay, ayaa ah mid aan marin habraacaas uu sharciga hay’adda jidaynayo. Haddaba, waxay u muuqataa in Wasiir Fiqi uu  si aan ku talagal ahayn sharciyad u siiyay Maareeye iyo Hay’ad aan jiritaan sharci ah lahayn. 

Dowladda cusub ee uu madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud hoggaamiyo waxaa la gudboon in Hay’adda DADSOM iyo hay’adaha lamidka ah ee aan sharciyada ku dhisnayn ay kala dirto, oo marki sharciyaddooda la saxo dib loo soo dhiso.

W/Q: Mustafa Caadle
mustafahaajii@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.