Xoghayaha guud ee QM oo taageeray inay shacabka Muqdisho dibad-bixi karaan

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM ayaa taageero u muujiyey in shacabka Muqdisho ay dibad-bax dhigi karaan, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen dibad-baxayaal dalbanayey in Farmaajo ka dego kursiga, maadaama waqtigu ka dhammaaday.

António Guterres ayaa qoraal uu kasoo saaray rabshadaha ku muujiyey inuu aad uga walaacsan yahay wixii dhacay, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ugu baaqay hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah isugu yimaadaan, si ay usoo geba-gebeeyaan heshiis doorasho lagu qabto oo waafaqsan heshiiskii 17-ka September.

“Xoghayaha guud waxa uu sidoo kale ku baaqayaa inay si buuxda loo xushmeeyo xuquuqda ay dadka u leeyihiin inay si nabad isugu yimaadaan iyo xoriyadda hadalka,” ayuu yiri António Guterres oo taageero u muujinaya dibad-baxyada.

Waxa uu sidoo kale ku celiyey taageerada buuxda ee QM ay u hayso waddada ay shacabka iyo dowlad Soomaaliya ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo.

Hadalka António Guterres ayaa imanaya ayada oo xaaladda Soomaaliya ay kasii dareyso, islmarkaana waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse uu diidan yahay inuu doorasho qabto ama kursiga ka dego.