Hogaamiyeyaashii jabhadda iyo amniyaadka Shabaab ee Sh/Hoose oo la dilay

Qoryooley (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa gobolka Shabeellada Hoose ku dilay sraakiil sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaas iyo in ka badan 50 dagaalame oo kale, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Howlgalka lagu dilay xubnahaas ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Qoryooley iyo deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in saraakiisha la dilay lagu kala magacaabo Macalin Buqaari oo ahaa madaxii jabhada ee Al-Shabaab iyo Sheekh Xasan Ganeey oo isna ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa laga soo xigtay in howlgalkaas Al-Shabaab looga dilay in ka badan 50-dagaalame oo la socday saraakiisha la dilay ee gobolkaas masuulka uga ahaa kooxda.

Weerarka lagu dilay dagaalamayaasha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Mushaani, Daniga iyo Majabta oo dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyo Jannaale.

Ugu dambeyntii Taliyaha Militeriga Soomaaliya waxuu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaas lagu weeraray maanta ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.