Mucaaradka oo dacwad ka gudbinaya FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Midowga Musharixiinta musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ila habeen ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in rasaastii ciidamada dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida Ex-Naasa-hablood la doonayay in lagu dilay madaxweynayaashii hore ee dalka.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale rasaastii shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in ciidamadii difaaca cadawga loogu talo galay ay ku dilaan musharixiinta iyo dadka kale.

“Wixii shalay wuxuu ahaa shirqool la doonayay in madaxweynayaal hore lagu dilo, dadka aan aqoon ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta maah maah ah ‘xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof ku jirto’,” ayuu yiri Daahir Gelle.

Waxaa uu intaasi ku daray in musharixiinta ay doonayeen inay fagaaro ka hadlan, balse laga hor-istaagay, waxaana uu yiri in dhibaatadii dhacday inay ku dacweyn doonaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, oo uu sheegay in amarkaasi uu bixiyay.

Daahir Geelle ma sheegin halka ay ku dacweynayaan Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in Farmaajo oo shalay diiday in banaanbax lagu qabto taalada Daljirka Daahsoon uusan ogolaan doonin in doorasho lagula tartamo.