Imaaraadka Carabta oo ‘ku-meel gaar’ ugu yeeray dowladda SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa “dowlad ku-meel gaar ah” ugu yeertay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii dhammaan hay’adaha dowladda uu watqiga ka dhammaaday.

Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku sheegay qoraal uu kasoo saaray rabshadihii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin mucaarad ah iyo shacab dibad-bax dhigayey oo dalbanayey inuu kursiga ka dego madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee Muqdisho, oo ka dhalatay “rabsdaha sii socda iyo awood u adeegsashada shacabka.”

Bayaanka ayaa lagu yiri “wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga ah, waxay ugu baaqeysa dowladda ku-meel gaarka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta, si loogu guuleysto hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo xasilloon.”

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dib u xaqiijineyso taageerada iyo hindisooyinka caalamiga ah si doorasho xor ah oo daah-furan looga qabto Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. 

“Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xasillooni, taasi oo joogteeneysa madax-banaanideeda qaran, kuna fulineyso hamiga shacabkeeda walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.