Xogta dil argagax leh oo ka dhacay Hargeysa xalay iyo Somaliland oo tallaabo qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dil argagax leh oo xalay ka dhacay degmada Maxamed Mooge oo ka tirsan Caasimada maamulkaasi ee magaalada Hargeysa.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Aadan Cabdullahi oo 18 sano jir ahaa, sida uu shaaciyay taliska Booliska Somaliland.

Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto falkaas oo lagu magacaabo Jimcaale Maxamed Maxamuud oo isna 17 sano jir ah, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu dilkaas u adeegsaday mindi, kadibna uu isku dayay inuu baxsado, balse ay gacanta kusoo dhigeen.

‘Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud ina Nasra X Cabdi da’da17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Mindi ku dilay Marxuum: Cabdixakiin Aadan C/laahi ina Hinda Cismaan da’da18 jir ah, falkaa dilka ahi waxuu ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soo qabashada ninkan ayaa waxaa ka qayb-qaatay dadka deegaanka, isaga oo saaka usoo gacan galay ciidamada Booliska oo tan iyo xalay ka baadi goobayay xaafadaha Hargeysa,

“Dedaal iyo baadhid dheeriya oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qaybta Barigu, iyagoo kaashanaya dadweynaha degmada Maxamed Mooge, waxay gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha subaxnimaddii hore ee saaka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib waxaa billowday baarista kiiskan oo si toos ah loogu wareejiyay laanta dambi baarista C.I.D-da ee Somaliland, si cadaaladda loo horgeeyo eedeysanaha.

“Baadhista kiiskaa waxa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dembiyadda-C.I.D, natiijadda baadhistana waxa loo gudbin doonaa Hay’addaha garsoorka JSL” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland.

Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka, hayeeshee waxaa dhankooda dadaallo wada ciidanka Booliska.