Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis la xiriira howl-galka badda ee EUNAVFOR ASPIDES, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka.
Heshiiska ayaa dejinaya qaab-dhismeedka sharci ee hagaya joogitaanka iyo howlaha ciidamada iyo shaqaalaha Midowga Yurub ee loo dirayo taageeridda howl-galka ASPIDES gudaha Jabuuti.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinac, heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya iskaashiga dhinaca amniga badda iyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka.
Howl-galka EUNAVFOR ASPIDES waa howlgal difaac oo badeed oo uu Midowga Yurub u aas-aasay ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Howl-galkan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsiga ee ugu mashquulka badan caalamka, xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee gobolka.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in saxiixa heshiiskan uu ka tarjumayo heerka kalsoonida iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana uu muujinayo sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo wada-shaqeyn miro dhal ah.
“Saxiixa heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa kalsoonida labada dhinac iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, amniga iyo iskaashi wax ku ool ah. Waxa kale oo uu muujinayaa in iskaashigoodu ku saleysan yahay qiyam iyo mabaadi’ ay wadaagaan, sida ixtiraamka sharciga caalamiga ah, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhinacyada badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Midowga Yurub uu weli yahay lammaane istaraatiiji ah oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxay tilmaameen in goobta juqraafiyeed ee gaarka ah ee Jabuuti iyo kaalinta ay ka qaadato nabadda iyo amniga gobolka ay ka dhigayaan waddan muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha amni ee wadajirka ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in iskaashiga labada dhinac uu door weyn ka ciyaarayo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, sugidda amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo taageeridda ganacsiga caalamiga ah, maadaama marinkaasi uu muhiim u yahay isu-socodka badeecadaha adduunka.
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa ugu dambeyn muujiyay rajada ay ka qabaan in heshiiskan uu sii xoojin doono xiriirka labada dhinac, isla markaana uu gacan ka geysan doono xaqiijinta himilooyinka wadajirka ah ee la xiriira amniga, xasilloonida gobolka iyo horumar waara. Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta ku saleysan is-aaminaad iyo dan wadaag.

