Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay Soomaaliya soo gaarsiisay hub culus oo ay ku jiraan noocyada Taangi ee ugu casrisan ee ay istcimaalaan ciidamada dalkaasi, kuwaas oo la keenay magaalada Muqdisho.
Hubkan ayaa laga soo dajiyay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu keenay markab ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.
Taangiyadan ayaa noocyadooda lagu kala sheegay M-60 M-48, kuwaas oo gaaraya dowr iyo toban xabo, waxaana loogu talagalay Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo u adeegsan doono dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo gaadiidka xambaara Taanyada o maraya wadooyinka, kana soo baxay dekedda, iyaga oo hubkaasi geeyay xarun gaar ah oo ay leedahay dowladda Soomaalya.
Ankara ayaa dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16, waxaana imaanshaha diyaaradahaas uu la xiriiray iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal, kaas oo muddooyinkan sii xoogeysanayay.
Turkiga ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, wuxuuna soo diray maraakiib dagaal oo la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.
Si kastaba ha’ahaatee, Turkiga ayaa muddooyinkii dambe ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

