Xogta kulankii madaxweyne Xasan iyo Michael Langley

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula qaatay kulan gaar ah Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ka jooga Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley.

Kulanka oo madaxweyne Xasan iyo Jeneraal Michael uu ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa waxa looga wada-hadlay howl-galada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah deegaanada ay gobolada dalka uga sugan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika taageerada amni ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay sii kordhiyaan.

Kulankaan ayaa waxa uu imanaya xili toddobaadyadii dambe sare loo qaaday dardar-gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo dhawaana ciidamada dowladda ay ka qabsadeen deegaano dhowr ah.

Sidoo kale waxaa gudaha Soomaaliya ku sugan ciidamo kamid ah kuwa Mareykanka, kuwaasi oo saldhigooda ugu weyn uu ku yaalo Xerada Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna mararka qaar ay ciidamada Mareykanka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka ah oo ay la beegsadaan Saldhigyada Al-Shabaab.