Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay xaafaddda Buula Xuubey ee degmada Wadajir, kaas oo gaystay khasaare kala duwan, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee baabuurta lagu dhajiyo ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka dharcadda ee NISA, xilli uu marayay xaafadda Buula Xuubey, halkaas oo ku dhow garoonka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka uu noqday dhaawac halis ah, waxaana waxyeellada ugu daran ay kasoo gaartay qaybaha dambe ee jirkiisa. Waxaa kale oo burbur xooggan uu soo gaaray gaariga oo ahaa Land Cruiser Surf ah.
Sidoo kale, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gurmad deg-deg ah u sameeyay sarkaalka la qarxiyay, iyaga oo dhaawiciisa ula cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa sidoo kale sameeyay baaris, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi qaraxa ah ee lagu beegsaday sarkaalka ka tirsan NISA.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ku aaddan qaraxa iyo howlgalka xigay intaba.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho, waxaana gabi ahaan laga tirtiray xubnihii amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka gaysan jiray caasimada.
Guushaan amni ayaa ku timid, kadib qorshe amni oo ay la timid dowladda Soomaaliya, kaas oo hirgalay, isla markaana looga nastay falalkii amni darrada ee horay uga dhici jiray inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

