Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaddaha oo ah awoodda koowaad ee fulinta Dowladda iyo Saxaafadda oo lagu tilmaamo awoodda afaraad, waxaa markasta ka dhaxeeya xiriir aan fiicneyn iyo isku dhac joogto ah.
Dowladii Kacaanka ee Keli-taliska ahayd 1969-1991, dalka kama jirin warbaahin ka baxsan tan dowladdu leedahay waxayna madaxda ugu badan ee dalka ka talisa ku garaadsadeen xaaladaasi aan la ogoleyn wax xoriyad ah, taasi oo dhalisay dagaaladii sokeeye iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya.
Dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya iyo Shirkii Carta sanadkii 2000 waxaa kaalinta ugu weyn ku lahayd saxaafadda xorta ah ee markaas dalka ka jirtay.
Laga soo bilaabo dowladii Cabdillaahi Yuusuf waxaa saxaafadda soo wajahay awood sheegasho, caburin iyo hanjabaad joogto ah, iyadoo lagula kacayay falal isugu jira weerarka xarumaha warbaahineed, xarigga saxafiyiinta iyo hanjabaad ay kula kacayeen madaxda dowladaha oo adeegsanaya hay’adaha Amniga.
Khilaafkii ugu danbeeyay ee Saxafiyiinta iyo Dowladda wuxuu bilowday markii Wasaarada Warfaafinta Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay 8-dii Oktoobar 2022 soo saartay Wareegtadii uu akhriyey Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Al-cadaalla.
Wareegtadan oo ‘Xeer iyo Sharci’ loo ekeysiiyay, waxay xambaarsaneyd Amarro ay saxafiyiinta u arkeen inay halis ku yihiin shaqadooda, isla markaana aan lagala tashan, kana horjeeda Dastuurka, Xeerka Saxaafadda iyo Sharciyada caalamiga ah.
Afar ka mida Ururrada ay ku mideysan yihiin Saxafiyiinta madaxa bannaan ayaa shirkoodii jaraa’id ku caddeeyay mowqifkooda.
Dowladda oo sida muuqata u cuntami weyday falcelinta ka timid ururrada Saxafiyiinta waxay si gaara beegsatay mid kamida madaxda ururrradii soo saaray War-saxaafadeedka Saxafiyiinta oo habeennimo Xafiiskooda ay tageen ciidamo Af-xiran, kadibna waxay 10-kii Oktoobar 2022 Garoonka Muqdisho ka qabteen xoghayaha ururka SJS Cabdalla Muumin Axmed oo safar ugu socday dalka Kenya.
Ma caddeyn sababaha keenay in si gaara loo beegsado Xoghaye Cabdalla Muumin, iyadoo loo adeegsaday ciidamada Sirdoonka ee Hay’adda NISA, isagoo lagu xiray Xabsiga NISA ee Godka Jilacow oo habeen uu ku qaatay, kadibna loo wareejiyay xarunta CID.
Sidoo kale lama caddeyn cidd amartay xarigiisa oo ay sharci darro ku tilmaameen saxafiyiinta iyo Qareenada u doodaya.
Isu-soo bax, Qeylo dhaan iyo Shirar jaraa’id oo ay qabteen Saxafiyiinta, kadib ayey Wasaaradda Warfaafinta soo saartay War-saxaafadeed ay isaga fogeysay Xariga Weriye Cabdalla Muumin, waxana qoraal ay soo saartay 12 Oktoobar ku caddeysay:
“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda”
Subaxnimadii 13-kii Oktoobar ayaa Weriye Cabdalla Muumin lagu wareejiyey xarunta CID-da, waxaana Duhurnimadii maalintaasi la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse waxaa la yaab ahayd in lagu soo oogay eedo ku saabsan inuu jebiyay XEER kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo qodob ku saabsan faafin sir amni, sida uu sheegay Qareenka Wariyaha.
Maxkamadda ayaa waxay CID-da ka dalbatay inay keenaan caddeymaha Xeerka uu jabiyey iyo muuqaalkii Sirta ahaa ee ay ku eedeeyeen inuu faafiyay, waxaana Weriye Cabdalla Muumin dib loogu celiyay Xarunta CID-da.
Mar labaad waxaa Cabdalla Muumin la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir Axaddii 16-ka Oktoobar 2022, iyadoo CID-da iyo Xeer ilaalinta laga sugayey eedeyn rasmi ah iyo caddeymaheeda wadata, balse waxaa dhacday in eedihihii hore loogu jeediyay isbedel lagu sameeyay, waxaana markan lagu soo oogay saddex qodob oo ka mida Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah: 219, 321, 505.
Waxaa meesha laga saaray qodobkii faafinta Sir ciidan, iyadoo Xeer ilaalintu dalbatay xabsi ku heyn iyo Xabsiga dhexe loo gudbiyo si baaritaanka kiiska loo dhammeystiro, taasi oo maxkamaddu ogoalatay.
Dadaal ay sameeyeen Qareenada iyo madaxda warbaahinta ayaa Maxkamadda ka codsaday in Cabdalla damiin lagu sii daayo oo bannaan joog uu noqdo, mudadda dacwadu socoto ee 45 maalmood ah, taasi oo lagu guuleystay.
Qodobadda ay soo diyaariyaan xeer ilaalinta ee dowladu u heysato Weriye Cabdalla Muumin waxay kala yihiin:
Qodobka 321 oo ku saabsan: Ku boorrin in sharciga laga horyimaado, waxaana ku xusan ciqaaba xarig lix bilood ilaa shan sanno ah. Qodobka 505 oo cinwaankiisu yahay: “Dhawrid la’aanta Amarada Maamul” ciqaabta uu watana ay tahay xarig ilaa Saddex bilood ah ama xarig iyo ganaax.
Qodobka 219 oo ka hadlaya: Cambaaraynta Ummadda ama Qaranka, kaasi oo wata ciqaab gaareysa lix bilood ilaa sadex sanno ah.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la noqotay damaanadii uu bannaanka ku joogay weriye Cabdalla Muumin, waxaana Galabnimadii 18 Oktoobar 2022, mar kale laga soo qabtay garoonka Muqdisho, balse Maxkamadda Racfaanka ayaa mar kale dib ugu soo celisay damaanadii, isagoo laga sii daayey xabsiga.
Nuxurka Dacwadda lagu soo oogay Weriye Cabdalla Muumin iyo eedaha lagu soo oogay oo ka baxsan Xeerka Saxaafadda, lagana dhigayo arrimo Amni iyo Dagaalka Alshabaab lagula jiro waxay xaaladda ka dhigeen mid cakiran oo saxafiyiinta loo adeegsanayo inay lagu shaabadeeyo Al-Shabaabnimo, looguna yeelo dembi culus.
Waxay ahayd siyaasad xumo in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligan gasho dagaal saxaafadeed, halkii Wasaarada Warfaafinta la imaan lahayd qorshe lagu mideeyo Warbaahinta oo lagala tashado sida loo wajahayo xaaladda lagu jiro marka sharci ahaan la isla meel dhigo, laga ilaaliyo xuquuqda dhinac kasta.
Waxay ahayd arrin laga xumaado in markii madaxda Qaranka iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ay amar ku bixiyaan xariga Muwaadin weriye ah aysan jecleysan aragtidiisa, iyadoo aan loo marin amar maxkamadeed, taasi oo ah sharci-darro aan is-bedelin muddo 20 sano ah.
Waxaa kale oo nasiib-darro ahayd in Hay’adaha Xeer ilaalinta iyo Dembi baarista eedo uga raadiyaan qof weriye ah Xeerka Ciqaabta, iyadoo uu dhaqan-gal yahay Xeerka Saxaafadda oo dacwooyinka loo heysto weriyeyaasha ay tahay in loo maro.
Isku dayga Wasaaradda Warfaafinta ee ah in kiiska Weriye Cabdalla laga saaro mid la xiriira shaqadiisa saxaafadeed, si dembi ciqaabeed loogu raadiyo iyo hadalkii Ra’iisal wasaare Xamse waxay caddeyn u yihiin in dagaalka Alshabaab xukuumaddu u adeegsaneyso Saxaafadda si ay Warbaahinta Madaxa bannaan ugu shaqeyso rabitaanka Madaxda dowladda.
Kiiska Weriye Cabdalla Muumin wuxuu dibadda usoo saaray qaabka ay u fekerayaan madaxda Qaranka xilligaan joogta, waxaana la ogaan doonaan sida Garsoorku ugu cadaalad falo, una qaato go’aan aan lagu cadaadin.
Xigasho: Radio Risaala