Howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo beesha caalamka oo lagu laayey Shabaab badan

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 17 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jireen labo horjooge lagu dilay howl-gal qorsheysan oo iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga.

Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda oo ayagu isku aruursanayay deegaano hoos yimaada tuulada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Dhammaan dhagar qabayaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laayay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii kooxdaan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dhagarta aragagixisada ayaa howl-galadii ugu dambeeyay ee todobaadkaan ku dilay in ka badan 150 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Aragagixisada, sida lagu sheegay qoraalka.

Labo maalmood ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale ay dowladda ku shaacisay war-saxaafadeed soo saartay in Al-Shabaab laga laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano ka tirsan, inkasta oo aan la xusin dhamaan magacyada horgoojayaasha lagu dilay howl-galadii u dambeeyay.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli si habsami leh uga socda dalka, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in cadowga kala wareegaan deegaano hor leh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.