Dhageyso: Deegaano cusub oo laga qabsaday Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa maanta la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Maxaas iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobalka Hiiraan, kuna dhow degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka hogaamineysa ayaa VOA u sheegay in deegaanadaas ay ula wareegeen si nabdoon, kadib markii ay ka firxadeen Shabaabkii ku sugna.

“Maanta deegaano badan ayaa la wareegnay oo labo degmo ka kala tirsan ayaa la wareegnay. Waxa kula wareegnay si nabad ah oo ayaga ayaa ku daba-joognay oo meelkasta wey ka cararayeen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxa joogna xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, weliba waxaa 15KM uga sii dhawahay degmada Aadan Yabaal.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galo qorsheysan ay socdaan, kuwaasi oo qeyb ka yahay Jeneraal Biixi iyo Odowaa, islamarkaana ujeedkoodu yahay inay uga daba-galaan cadowga meel kasta oo ay u firxadaan.

“Dadka waa nasoo dhaweynayay deegaanada aan la wareegnay oo waa dad muddo cabursanaa. Ciidanka DANAB oo duqeymaha ka qeyb qaatay, nimanka nabad diidka intay jiraan waa sii socone duqeynta.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay inaysan ciidamada kasoo noqon doonin deegaanada ay kala wareegeen Al-Shabaab, sida hore u dhacday, hase yeeshee ay hore u sii wadi doonaan howl-galada.

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha Maxaas