Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Prof. Juurile

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” wuxuu u magacaabay in uu noqdo La-taliye sare oo dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga ah.

Sida lagu shegay dikreetadaan Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Prof. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu qoraalka madaxtooyada.

La-taliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horay u soo qabtay xilal wasiirnimo oo heer federaal ah.

Sidoo kale wuxuu ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladnimada iyo bulshada.