Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta daah-furay barnaamij ku kacaya $150 milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka horumarinta arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada dalka ayaa waxaa ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo dollar, waxaana fulinaysa wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka.

Sida qorshaha uu yahay barnaamijkan ayaa soconaya mudo 5 sano ah, ayada oo loo qorsheeyay in 11 magaalo oo kamid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin.

“Waa lagama maarmaan in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.