Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho iyo xogta shirka caasimadda ka furmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Abdule Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan bulshada Caasimada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeyb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo xaaladda dalka, kaasi oo maalmaha soo socda ka furmaya Villa Somalia.

Sidoo kale waxaa isla maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan madaxda kale ee dowlad-goboleedyada si ay shirka uga qeyb galaan.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah ku yeelanaya Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana 27-ka bishaan oo ku beegan berri uu ka qabsoomayo Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Gunaanadka shirka Madaxda Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in ay si wada jir u soo saaraan warmurtiyeed kaga hadlayaan qodobadii ay ku gorfeeyeen Shirka inta uu u socda, qodobka ugu weyn uu yahay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.