Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Galgaduud oo dhowaan la wareegtay kiiska dhacdadii foosha xumeyd ee lagu dilay hooyadii iyo gabdhaheedii ayaa maanta xukun adag kasoo saartay falkaasi argagaxa leh.
Maxkamaddan oo hoostagta Galmudug ayaa dil toogasho ah ku ridday laba kamid ah eedeysanayaasha oo la horgeeyay, kuwaas oo kala ah Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi, halka xabsi 5 sano ah lagu xukumay Ayuub Maxamed Cabdi
Inta ay socotay maxkamadeynta ayaa waxaa la dhageystay doodda qareennada difaacaya eedeesanayaasha, caddeymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaal la horgeeyay.
Intaas kadib maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday goo’aankeeda, waxayna sheegtay inuu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo guud ahaan bulshada ku nool deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug sida hadalka loo dhigay.
Horay Maxkamadd Darajada Koowaad ee gobolka Galgaduud ayaa Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ugu xukumtay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, waxaaa arrintaas dood ka keenay xeer-ilaaliyaha iyo ehellada marxuumiinta oo mar kale aaday Maxkamadda Racfaanka oo maanta dil ku xukuntay laba kamid ah eedeysanayaasha, halka 5 sano oo xabsi ah lagu xukumay eedeysanaha 3-aad.
Dhacdada ay gaysteen raggan ayaa argagax iyo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka, maadaama ay si arxan darro ah u dileen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheeda Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud.
Si kastaba, ha’ahaatee, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

