26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Muqdisho 25-ka December ma ka dhici kartaa doorasho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, kadib markii shalay lasoo saaray jadwalka doorashooyinkaas.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo Sabtidii shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay in shacabka gobolka Banaadir ay 25-ka bisha December u dareeri doonaan dooraahada golaha deegaanka, si ay codkooda ugu doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd.

“25 bisha soo socota waxaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Intaas kadib Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan oo ka falceliyay jadwalka soo baxay ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in ay dhacdo doorashadan, iyada oo weli ay diidan yihiin qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

“Doorashaa la qabanayaa xisbiyadii waa waynaana kama war qabaan dadkii siyaaadda dalka hoggaamin lahaana kama war qabaan, lagamana talagelinaayo anaa qabsanaayo anaana gadisanaayo ma soconeyso” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in deg-deg badan uu ka muuqdo guddiga doorashooyinka oo isagu shalay shaaciyay jadwalka soo baxay oo lagu sheegay 25-ka bishan ay bilaaban doonaan doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

“25 December ayaa doorasho golaha deegaanka Muqdisho la qabanayaa waxaa waayay nasiib darro inteeda la’eg wax suurageli karana ma’aha” ayuu mar kal yiri xildhibaanka.

Sidoo kale wixuu yiri “Waxaa ka dhalan kara in daka uu kala fogaado in la’is garab ordo oo wax kale imaadaan waxaan Soomaaliya weligeed ka dhicin inay dhacdo ayaa suuragal ah”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada oo diidan hannaanka ay wax u waddo Villa Soomaaliya oo iyadu ku adkeyneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News