29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya deegaan ay joogaan Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka degmada Balcad, iyaga oo kaabiga ku haya deegaanka Xawaadley oo bartamihii sanadkan ay la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay halkaasi gaareen ciidan dheeraad ah oo xoojinaya kuwii horay u joogay deegaanka, si loo qaado guluf culus.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkooda ugu wayn uu yahay qabsashada deegaanka Xawaadley oo hadda fariisin ay ku leedahay Khawaarijta.

Sidoo kale, waxaana shalay deegaanka ka dhacday duqeyn xooggan oo lagu qaaday dhufeyso iyo godad maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka qoteen deegaanka, kuwaas oo dhulka lala simay.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana Xawaadley iyo agagaarkeeda laga dareemayaa saameynta duqeynta xalay lagu garaacay deegaankaas oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Xawaadley ayaa waxaa bartamihii sanadkan kasoo baxay ciidamada Burundi, waxaana kadib la wareegtay kooxda Al-Shabaab iyo oo illaa iyo hadda gacanta ku hayso.

Deegaankan ayaa sidoo kale 30 KM u jira magaalada Jowhar, waxaana ku yaalla buundo, taas oo ka dhigtay deegaan isku xira bariga iyo galbeedka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News