25.9 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ay mucaaradka ku qabsanayaan Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabbixinta Soomaaliyeed iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in bisha December ay shir aan caadi ahayn ku yeeshaan magaalada Kismaayo, iyagoo kaga arrinsanaya xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu weli taagan yahay is-mariwaa ku saabsan nooca doorasho ee laga qabanayo dalka sanadka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Jubbaland ay martiqaad u fidisay xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabbixinta iyo Madaxweynaha Puntland, si ay inta ka horreyso 10-ka December ugu soo gaaraan goobta shirka.

Saddex ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Samatabbixinta, Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa 2-dii Oktoobar ee la soo dhaafay ku heshiiyay inay sameystaan gole cusub oo ay ku mideysan yihiin, kaasi oo magaciisu noqonayo “Golaha Mustaqbalka Somalia”, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Dhinacyadan ayaa la fahamsan yahay in shirkan ay diiradda ku saari doonaan sidii dalka looga badbaadin lahaa dib u dhac doorasho, isla markaana loo hiigsan lahaa mustaqbal wanaagsan oo leh xasillooni siyaasadeed, amni waara iyo horumar dhaqaale.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka lagu martiqaaday madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ururrada bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, si go’aan looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka, isla markaana Dowladda Federaalka lagu cadaadiyo inay ogolaato in dalka laga qabto doorasho lagu wada heshiiyey.

Ma cadda in madaxweynihii hore Farmaajo uu ka qaybgelayo shirka Kismaayo iyo in kale, hase yeeshee waxa la sheegay inuu danaynayo in doorashada dalka lagu qabto waqtigeeda sanadka 2026, isla markaana ay noqoto doorasho loo dhan yahay.

Dhinacyadan ku kulmaya Kismaayo ayaa leh saamayn siyaasadeed oo muuqata, waana kuwo kaalin ku leh dheelitirka awoodda siyaasadeed ee dalka. Haddii ay doorashada ka maqnaadaan, waxaa suuragal ah in Beesha Caalamka aysan wax dhaqaale ah ku bixin doorashada soo socota, ilaa saamileyda siyaasadda ay isla ogolaadaan qaabka ay Villa Somalia u maamuleyso doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada.

Maqnaanshaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kaabayaan Puntland iyo Jubbaland ayaa doorashada ka dhigi karta mid hal dhinac u janjeerta, taas oo caalamka u tusaysa in aan loo dhammayn oo aan si buuxda loo taageeri karin, maadaama garabka kale ee awoodda leh ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka uu qaban karo doorasho kale oo cagsi ku ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si uun uga walaacsan dhinacyada shirka aan caadiga ahayn ku yeelanaya Kismaayo, halkaas oo laga yaabo inay kasoo saaraan go’aamo adag.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo dowladda ay weli sii dhaqaajineyso qorshaha ay ku qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay soo saaray jadwalka doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo in muddo ah laga soo shaqeynayay

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Cabdikariim ayaa ku dhaqaaqay in shacabka gobolka Banaadir ay 25-ka bisha December u dareeri doonaan dooraahada golaha deegaanka, si ay codkooda ugu doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd. 

- Advertisement -

Read more

Local News