25 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay hadalladii ka soo baxay Donald Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u beenisay eedeymo dhowaan kasoo yeeray maamulka Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo tilmaamayay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ay dhaqaale ku taageeraan kooxdaas.

Al-Shabaab ayaa hadalladan ku tilmaantay tallaabo “lagu xalaaleysanayo” beegsiga iyo dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka.

War-saxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda, ayaa lagu sheegay inay “si adag u diidayaan eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee kasoo yeeray Saliibiyiinta Mareykanka, kuwaas oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee deggan Minnesota ay maal-geliyaan Mujaahidiinta.”

Bayaanka ayaa eedeymahaas ku sifeeyay kuwo “kicin ah oo xaqiiqda ka fog,” ujeedkooduna yahay in Soomaalida laga dhigo “khatar soo fool leh.”

Warkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo cusboonaadeen hadallo kasoo yeeray Madaxweyne Donald Trump iyo saraakiil sarsare, kuwaas oo tuhun geliyay in Soomaalida-Mareykanka ah ay gacan ka geystaan maalgelinta howlgalada hubeysan ee ka socda dibadda. Hogaamiyayaasha bulshada ee Minnesota ayaa marar badan si adag u beeniyay jiritaanka xiriir noocaas ah.

Al-Shabaab, oo dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay urur argagixiso, ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta Mareykanka inay hurinayaan colaad iyo naceyb ka dhan ah Soomaalida.

“Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin waxay walaac ka muujinaysaa mowjadaha sii kordhaya ee cadaawadda, takoorka, iyo hadallada naceybka xambaarsan ee dowladda Mareykanka—oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Donald Trump—ay kula kacayso Soomaalida,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay intaas ku dareen in sheegashooyinkani yihiin isku day lagu doonayo “in eedda dusha laga saaro bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka (Scapegoating), iyadoo la isku dayayo in indhaha laga jeediyo fashilka siyaasadeed iyo caqabadaha waaweyn ee haysta maamulka Trump.”

Kooxda ayaa eedeymahan ku qeexday qayb ka mid ah silsilad dheer oo cadaawad ah oo Mareykanku u hayo Soomaalida, iyadoo xustay in Washington ay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ah u geysatay shacabka Soomaaliyeed tan iyo sagaashameeyadii. Waxay sheegeen in sheegashooyinka cusub looga gol leeyahay in “qiil loogu sameeyo” naceybka loo qabo Soomaalida-Mareykanka ah.

In kasta oo ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Mareykanka, haddana Al-Shabaab waxay sheegtay inay kasoo horjeedo in magacooda loo adeegsado gabbaad lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu soo gunaanaday: “Haddii ay tahay Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, marnaba kama gabban doonto waajibka ka saaran difaaca diinta, dadka, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyadoo la dagaalamaysa Saliibiyiinta gaalada ah ee uu Mareykanku hormuudka u yahay, balse waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo magaceeda loogu adeegsanayo in lagu xalaaleysto takoorka, dhibaataynta, iyo handadaadda shacabka Soomaaliyeed, ha ahaato gudaha dalka ama dibaddaba.”

Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta Mareykanka kama aysan soo saarin wax jawaab rasmi ah warkan ka soo baxay Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News