Washington (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa amar culus dul-dhigay diblomaasiyiintiisa Mareykanka ee caalamka, isagoo faray inay joojiyaan ka-baaraan-degidda iyo bixinta fiisooyinka muwaadiniinta u dhashay dalka Afghanistan.
Sida lagu xusay dhambaal diblomaasiyadeed oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, tallaabadan ayaa si dadban albaabada ugu laabaysa barnaamijka gaarka ah ee socdaalka (Special Immigration Program), kaas oo loogu talagalay dadkii reer Afghanistan ee garabka siiyay Maraykanka intii lagu guda jiray qabsashadii iyo howlgalkii milatari ee 20-ka sano qaatay.
Qoraalkan xasaasiga ah oo Jimcihii loo diray dhammaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha Maraykanka, ayaa faraya saraakiisha inay si degdeg ah u dhaqangeliyaan amarkan, isla markaana ay diidaan codsi kasta oo dal-ku-gal ah—ha noqdo mid degganaansho ama mid kumeel-gaar ah—oo ay soo gudbiyaan dadka haysta dhalashada Afghanistan, oo ay ku jiraan kuwa dalbanaya fiisooyinka gaarka ah ee loo yaqaan SIVs.
Go’aankan adag ayaa soo baxay maalmo kadib markii Arbacadii nin horey uga tirsanaan jiray cutubyo ay taageerto sirdoonka CIA-da Afghanistan lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay askari ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard), mid kalena uu dhaawacay gudaha magaalada Washington, D.C.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Sabtidii tixraacday qoraal uu barta X soo dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, kaas oo uu ku sheegay in “DHAMMAAN shakhsiyaadka” ku safraya baasaboorka Afghanistan la hakiyay bixinta dal-ku-galkooda.
Dhambaalka la diray Jimcihii, oo markii hore uu shaaciyay wargeyska New York Times, ayaa ujeedada tallaabadan ku sheegay “in lagu xaqiijinayo aqoonsiga codsadaha iyo u-qalmitaankiisa sharciga Maraykanka.”
Hase yeeshee, kooxaha u dooda xulafada Afgaanistaan ee Maraykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamay qorshe maamulka Trump uu muddo waday, kaas oo ujeedkiisu yahay in gebi ahaanba dadka reer Afghanistan laga horjoogsado inay soo galaan Maraykanka.
“Shaki kuma jiro in tani ay tahay natiijadii ay muddo bilo ah ka shaqeynayeen,” ayuu yiri Shawn VanDiver, madaxa hay’adda AfghanEvac, oo emayl ugu warramayay Reuters. Dhanka kale, Aqalka Cad ayaan wax jawaab ah ka bixin codsiyo loo diray oo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.
Sida ku cad amarka cusub, ballamaha horey loogu qabtay codsadeyaasha reer Afghanistan lama baajin doono, balse marka ay yimaadaan, saraakiisha qunsuliyadaha waxaa la faray inay diidaan bixinta fiisaha.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale amartay in fiisooyinka la ansixiyay ee aan weli la daabicin la laalo, halka kuwa la daabacayna la burburiyo, nidaamkana laga saaro kiisaskaas iyadoo loo diiwaangelinayo kuwo la diiday.
Dhinaca kale, Hay’adda Adeegga Socdaalka iyo Dhalashada Maraykanka (USCIS) ayaa iyaduna horaantii toddobaadkan si aan xad lahayn u hakisay ka-baaraan-degidda codsiyada socdaalka ee dadka reer Afghanistan.
Sida uu sheegay VanDiver, ku dhowaad 200,000 oo reer Afghanistan ah ayaa Maraykanka soo galay wixii ka dambeeyay 2021-kii, iyagoo soo maray barnaamijyada qaxootiga iyo fiisooyinka gaarka ah.
Waxaa jira 265,000 oo kale oo weli codsiyadoodu horyaallaan hay’adaha, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 180,000 oo sugaya fiisaha SIV, kana mid ahaa dadkii la soo shaqeeyay dowladda Maraykanka.
Tan iyo markii uu bishii Janaayo xafiiska ku soo laabtay, Madaxweyne Trump wuxuu xoogga saaray fulinta siyaasado adag oo dhanka socdaalka ah, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, isla markaana xuduudda Mexico ka celiyay dadka magangalyo-doonka ah.
Tallaabooyinka is-xigxigay ee la soo rogay wixii ka dambeeyay weerarkii Arbacada ayaa muujinaya in maamulkiisu uu hadda diiradda u saaray xannibaadda socdaalka sharciga ah.

