Xukuumada Somaliland oo amar cusub ku soo rogtay gobol;ada Awdal iyo Selel

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta soo saartay amar ay ku hakinayso dhamaanba sharciyeynta dhul-beereedka gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal

Axmed Muumin Seed, Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland ayaa soo saaray wareegtadaasi lagu mamnuucayey sharciyeynta dhul-beereedka, isagoona Mas’uuliyiinta iyo laamaha amaanka goboladaasi ku amray inay dhaqan galiyaan wareegtadan.

Wasiirka ayaa waxa uu wareegtadiisaasi ay si gaar ah ugu socotay Guddoomiyeyaasha gobolada Awdal iyo Selel, isla markaana uu ku wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyey dhamaan sharciyeynta dhul-beereedka goboladaasi, ilaa iyo amar dambe oo ka soo baxa wasaaradiisa.

Wareegtada wasiirka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Caasimada Online, oo si gaar ahna ugu socotay Madaxda goboladaasi, ayaa waxa la filayaa inay daba socoto xiisado coladeed oo ka taagan deegaanadaasi.

Deegaanadaasi uu wasiirku ka mamnuucay sharciyeynta dhul-beereedka ayaa waxa maalmihii u dambeeyay ku muransanaa beelo wada daga, kuwaasi oo muran beereed xoogani ka dhaxeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com